SO | EN

SO | EN

Hay’adda la dagaalanka musuqmaasuqa ee Nigeria ayaa soo ceshatay ku dhawaad ​​$30 milyan oo doolar oo baaritaan musuqmaasuq ah.

|

Nigeria (KAAB TV ) – Hay’adda la dagaalanka musuqmaasuqa ee Nigeria ayaa dib u heshay lacag dhan $28.88 milyan oo dollar ka dib markii ay bilawday baadhitaan ku saabsan wax isdaba marin lagu eedeeyay wasaarad dowladeed oo masuul ka ah la dagaalanka faqriga,

Betta Edu, wasiirka arrimaha bini’aadantinimada iyo dhimista faqriga ayaa shaqada laga joojiyay bishii january wax ka badan lix bilood ka dib markii uu magacaabay madaxweyne Bola Tinubu, oo xukunka la wareegay sanadkii hore,isagoo ballanqaaday inuu soo nooleynayo kobaca iyo la dagaalanka musuqmaasuqa.

Afhayenka komishanka dambiyada dhaqaalaha iyo maaliyadda (EFCC)Delo Oyewale ayaa bayaan uu soo saaray ku sheegay baadhista oo uu amray madaxaweynuhu ay daaha ka rogtay “nimadaam iyo shabakado qalfsan oo wax isdaba marin ah”.ilaa hadda, 32.7 bilyan oo naira ($28.43 milyan )iyo $445.000 ayaa la soo helay intii lagu guda jiray baaritaanka howlihii hore iyo kuwii shaqada laga joojiyay ee mas’uuliyiinta wasaaradda, ayuu yiri ” Baaritaanadu waa socdaan ooo si tartiib ah ayay u socdaan,” Ayuu yiri Oyewale.

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News