Diyaarad nooca qumaatiga u kaca ah oo ay leedahay ciidamada Kenya ayaa burburtay waxaana ku dhintay 5-qof oo kamid ahaa taliyihii ciidama difaaca kenya lt. general francis ogolla waxaana sidoo kale ku dhaawacmay saddex kale.shilkan ayaa ka dhacay deegaanka Sindar oo ku yaala xadka galbeedka Pokot iyo elgeyo marakwet dhanka waqooyi galbeed ee dalkas maalinta Khamiista.sidoo kale Dadka shilkaas ku dhaawacmay ayaa loo qaaday magaalada caasimadda ah ee Nairobi si loogu dabiibo.
Dowladda federalka soomaaliya ayaa tacsi tiiraanyo leh u dirtay madaxweynaha, ciidamada qaranka iyo shacabka jamhuuriyadda kenya geerid ku timid taliyaha ciidanka difaaca kenya.