Iraq (KAAB TV) – Madaxweynaha dalka Turkiga Rajab Tayyip Erdogan ayaa lafilayaa in maanta oo ah Isniin uu booqasho taariikhi ah kutago dalka Iraq, isagoo kulamo laqaadan doono madaxda dalkaasi.
Sidoo kale, magaalada Bagdaad ee dalka Iraq ayaa waxa haatan laga dareemayaa u diyaargarowga soo dhoweynta madaxweyne Erdogan iyo wafdigiisa waxaan lasii adkeeyay ammaanka goobaha uutagayo Erdogan.
Dhanka kale, Warar hoose ayaa waxa ay sheegayaan in Erdogan iyo madaxda Iraq kala saxiixan doonaan heshiis socon doono in kabadan 20 sano oo quseeya dhinacyada ammaanka, Tamarta, beeraha, qeybsiga biyaha, Tacliinta, caafimaadka, soo saarista shidaalka ammniga gobolka.
Erdogan ayaa sidoo kale lafilayaa in uu tagi doono magaalada Erbil isagoo madaxda maamul goboleedka Kurdistan ee waqooyiga Iraq kala hadli doono dhoofinta shidaalka kurdishta iyo arrimaha qeybsiga biyaha webiga, amniga xuduudka, horumarinta waddooyinka iyo mashruuca khadka tareenka oo isku xirayo koonfurta Iraq ilaa xuduudka dalka Turkiye.
Ugudambeyn, safarka Madaxweynaha dalka Turkiga ku tagayo dalka Ciraaq ayaa noqonaya kii labaad uu dalkaasi ku tago, waxa uuna horey Bagdaad u tagay sannadkii 2011-kii, isagoona xilligaasi lasoo kulmay madaxdoo Iraq ka talineysay.

