MUQDISHO (KAAB TV) – Wasiirka Wasaaradda Amniga Gudaha C/laahi Sheikh ismaaciil Fartaag ayaa Guddoomiyey shirka wajiga Labaad ee mashruuca JPP ee horumarinta boliiska Soomaaliyeed, kaasi oo looga arrinsanayo sidii loo horumarin lahaa boliiska.
Sidoo kale, Shirkan waxaa Goobjog ahaa Taliyaha Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed S/Guuto. Sulub Axmed Firin, Wasiiradda Amniga Dowlada Goboleedyada Xubinta ka ah Dowlada FDS iyo deeqbixiyaasha.
Dhanka kale, ujeedka Shirkan ayaa ahaa sidii sare loogu qaadi lahaa tayada iyo aqoonta Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed, si ay ula falgalaan Bulshada Soomaaliyeed.
Wasiir Fartaag oo shirka hadal ka jeediyey ayaa uga mahadceliyaya saaxiibada Caalamka ee Marwalba garab istaaga Boliiska Soomaaliya.
Dhanka kale Taliyaha Ciidanka Boliiska Soomaaliya S/Guuto Sulub Axmed Firin ayaa ka hadlay habka loo marayo mashruuca Hormarinta Boliiska Soomaaliya, kana mahaceliyay shqeynta wanaagsan ee saaxiibada caalanka ee garab istaagay Boliiska Soomaaliya.

