Al-Shabaab oo sheegatay dilka Marxuum Cali Cumar Gaab oo xalay lagu dilay degmada Shibis

|

MUQDISHO (KAAB TV) – Faahfaahino kala duwan ayaa kasoo baxaya in Koox hubeysan oo katirsan Al Shabaab ay xalay xaafad katirsan degmada Shibis ee gobolka Banaadir ku dilay, nin ay sheegeen in uu soo noqday xildhibaan katirsan Baarlamaanka dowlad goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya.

Sidoo kale, goobjoogayaal ayaa ku waramay in rag hubeysan rasaas la dhaceen Cali Cumar Gaab xilli uu goob waddo ah socday , dilka kaddib ayaana la sheegay in goobta si deg deg ah uga baxsadeen raggii dilka geestay.

Ciidamo katirsan laamaha ammaanka dowladda ayaa gaaray goobta dilka ka dhacay , ciidamada ayaana halkaasi ka sameeyay howlgalo baaritaanno ah, lamana soo sheegin cid ay ciidamada ammaanka usoo qabteen falkan dilka ah.

Dhanka kale, war kasoo baxay kooxda Al Shabaab laguna baahiyay baraha internetka ay leeyihiin ayey ku qirteen in iyagu ka dambeeyeen dilka Cali Cumar Gaab, waxa ayna Al Shabaab sheegeen in ninkan soo noqday xildhibaan katirsan Koonfur Galbeed.

Ugudambeyn, dilalka qorsheysan ay fuliyaan kooxda Al Shabaab iyo kuwa ay geesanayaan askarta dowladda ayaa kusoo badanaya magaalada Muqdisho, shalay kaliya ayaana caasimadda waxaa ka dhacay inta la og yahay labo dil oo midkood askari dowladeed uu geestay.

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News