MUQDISHO (KAAB TV) – Fadeexadda dul hoganeysa Taliska ciidanka Danab ayaa waxa ay mareysaa meeshii ugu darneyd, taas oo ay qirtay dowladda Federaalka warna kasoo saartay musuqa lagu sameeyay Raashiinka ciidanka kumaandooska Danab.
Sidoo kale, War qoraal ah oo kasoo baxay Wasaaradda Gaashaandhiga ayaa waxaa lagu sheegay in arrintaasi loo soo xiray saraakiil walina ay socdaan baaritaano ku aadan arrintaasi musuqa ah.
Dhanka kale, Dowladda Mareykanka ayaa si weyn uga carooday arrintan isagoona joojiyay taageeradii uu siin jiray ciidank kumaandooska ee Danab.
Inta badan saadka ciidanka dowladda gaar ahaan ciidanka milateriga ayaa waxaa lagu sameeyay musuq waxaan iska leexsada saraakiil katirsan ciidanka dowladda mana jirto cid wax kaqabato musuqaasi.
Arrintan ayaa imaaneysa xili Wasaaradda Gaashaandhiga Soomaaliya ay dul hoganeyso fadeexad weyn oo kadhan ah furimaha dagaalka, iyadoo bilihii ugu dambeeyay ay ciidanka dowladda kasoo baxayeen aagagii ay horey uqabsadeen sababo laxiriira in ciidanka qaarkood laga jartay mushaaraadkooda, halka kuwa kalana ay dowladda ugu baxday balan qaadyo ay horey ugu sameysay.

