Niger (KAAB TV) – Ciidamada Ruushka ayaa gudaha u galay saldhig ciidamada cirka Mareykanka kuleeyihiin dalka Niger oo ay ku sugan yihiin ciidamo Mareykan ah, sida ay sheegtay wakaaladda wararka Reuters oo xiganaysa sarkaal Mareykan ah oo ka tirsan Wasaaradda Difaaca Mareykanka.
Sidoo kale, Waxaa uu intaas ku daray in ciidamada Ruushka aysan ku dhex milmin ciidamada Mareykanka, balse ay isticmaalayaan goobo gaar ah oo ku yaalla garoonka Diori Hamani ee magaalada Niamey oo ah caasimadda Niger.
Dhanka kale, tallaabadan ayaa daba socota , kaddib markii militariga la wareegay xukunka dalka galbeedka Afrika ku yaalla ee Niger, ay ku amreen Mareykanka inuu dalkaas kala baxo ciidankiisa.
Waxey ka bexeen heshiisyadii difaaca ee dhexyaalay Mareykanka Niger, dhamaan saldhigyada uu Mareykanka kabaxayna waxaa lawareegay Ruushka, oo markiiba soo dhaweyn ay kaheleen ciidamada Niger.
Waxaa loo arkaya hadda goobta ugu dhow ee ay ku wada sugan yihiin labada ciidan ee cadaawada ugu xun ay adduunka ka dhaxeyso saldhigga ku yaalla Niger

