Qarax ka dhacay bariga DR Congo oo 10 qof ku dilay xero barakacayaal.

|

NAIROBI (KAAB TV)- Ugu yaraan 10 qof ayaa ku dhintay tiro kalena waa ay ku dhaawacmeen qarax bam oo subaxnimadii hore Jimcaha maanta ka dhacay xero ay ku nool yihiin dad barakacayaal ah oo u dhow magaalada Goma ee xarunta gobolka Waqooyiga Kivu ee bariga Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ah ee Kongo (DRC), sida ay sheegeen ilo deegaanka ah.

Bambaanooyin badan ayaa lagu tuuray xerada Mugunga ee dadka gudaha ku barakacay, oo qiyaastii 10 kiiloomitir galbeedka ka xigta magaalada Goma, sida ay dad goob joogayaal ah u sheegeen Xinhua.

Ilaha isbitaalka ayaa xaqiijiyay in ugu yaraan 17 qof oo ay ku jiraan caruur la dhaawacay lana geeyay isbitaalka Bethesda CBCA Ndosho ee magaalada, halkaas oo la geeyay kooxda qaliinka ee Guddiga Caalamiga ah ee Laanqeyrta Cas.

Unicef ​​ayaa cambaareysay qaraxii ka dhacay xerada barakacayaasha ee Congo.

Inkastoo maamulka gobolka Waqooyiga Kivu uusan si rasmi ah u shaacin khasaaraha ka dhashay weerarkan, ayaa haddana waxay ku eedeeyeen fallaagada M23 inay ka dambeeyeen weerarka.

Gobolka ayaa waxaa ka sii daraysa iskahorimaadyo u dhexeeya ciidamada Congo iyo dhaqdhaqaaqa fallaagada M23, iyadoo fallaagada M23 ay toddobaadyadii la soo dhaafay qabsadeen deegaanno ka tirsan gobolka Waqooyiga Kivu.

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News