SO | EN

SO | EN

Erdogan oo ka cudur daartay in uu ka qeyb galo shirka dalalka Islaamka oo maanta kafurmaayo dalka Gambia

|

Ankara (KAAB TV) – Madaxweyne Erdogan ayaa ka cudur daartay ka qeyb galka shirka madaxda dalalka Islaamka oo la filayo maanta oo Sabti ah in uu ka furmo magaalada Banjul ee caasimadda dalka Gambia.

Sidoo kale, Erdogan ayaana khadka telfoonka kula hadlay Madaxweynaha dalka Gambia Adama Barrow, waxa uuna kala hadlay aragtidiisa ku aadan qodobada shirkan diirada lagu saarayo iyo sida Turkiga uga soo horjeedo duullaanka Israel ku qaaday Marinka Gaza.

Madaxweyne Erdogan ayaa ugu baaqay madaxda waddamada Islaamka ee ka qeyb galaya shirka ka furmaya dalka Gambia in ay u midoobaan sidii loo joojin lahaa weerarada gardarada ah ee Israel ku heyso magaalada Gaza ee dhulka Falastiin.

Dhanka kale, Erdogan ayaana dhaleeceeyay waddamada reer Galbeedka uu sheegay in ay ku dhaqmayaan siyaasadaha munaafaqnimada, waxa uuna rejo ka muujiyay in shirka Bajul kasoo baxaan qodobo wax ku ool u ah qadiyadaha Islaamka.

Madax badan oo ka kala socota dalalka Islaamka ayaan ka qeyb galaya shirka madaxda dalalka Islaamka ee maanta ka furmaya dalka Gambia, waxaana Madaxweynaha Turkiga shirkaasi ku matalaya wasiirkiisa Arrimaha Dibadda.

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News