Taliye ku xigeenka qeybta Waliyow Cadde ee Booliska ee gabalka Banaadir , Gaashaanle Isxaaq Maxamed Ciise oo la hadlay warbaahinta ayaa ka warbixiyay howlgal dad lagu soo qab-qabtay oo xalay laga sameeyay degmada Hodan ee Muqdisho,wuxuuna shaaciyay in dagaalka lagula jiro Shabaab uu soo galay Muqdisho.
Taliye ku-xigeenka qeybta Waliyow Cadde ayaa isaga oo la hadlayey dhalinyaro lagu soo qabtay howlgalka ka dhacay degmada Hodan ayaa tilmaamay in xubnaha la raadinayo ay ku dhex dhuumaaleysanayaan bulshada, loona baahan yahay in la wada shaqeeyo.
“Dagaalka lagula jiro nimankaas magaalada Muqdisho wuu soo galay , intiina caawa meeshaan fadhido qofba guri ayaa laga soo waday intaas ayuu ku dhex-jiraa qofka aan raadineyno” ayuu yiri Taliye ku-xigeenka qeybta Waliyow Cadde.
“Nimanka Khawaarijta waxa ay u hortaagan yihiin horumarka dalka, nabadda, waxayna dhib ku hayaan bulshada Soomaaliyeed,” ayuu hadalkiisa sii raaciyey.
Booliiska iyo Sirdoonka Soomaaliya ayaa kordhiyay howlgallada lagu goobayo kooxda Alshabab oo Muqdisho ka geysata weerarro iyo qaraxyo lagy beegsanayo xafiisyada Dowladda tan iyo markii uu xafiiska la wareegay madaxweyaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ,