DAARRU NICMA (KAAB TV) – Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya deegaanka Daaru Nicma ee gobolka shabeellaha dhexe kaddib markii kooxda Alshabaab ay halkaas kugubeen guryo ay leeyihiin dad shacab ah.
Sidoo kale, wararku waxa ay intas kudarayaan in ciidanka dowladda iyo kuwa dadka deegaanka ay halkaasi ka sameeyeen dib ugarasho, sidaasina Alshabaab magaalada kusoo galeen ayna ku gubeen guryo dad shacab ah ay leeyihiin.
Dhanka kale, majiro wax war ah oo kasoo baxay dhanka dowladda oo ku aadan in halkaasi ay Alshabaab hadda guryo ku gubeen deegaanka Daaru Nicma ee.gobolka Shabeellaha dhexe.
Alshabaab ayaa bilihii ugu dambeeyay waxaa dagaal kula jiray ciidanka dowladda federaalka waxaana laga saaray deegaano badan oo gacantooda 15-kii sano lasoo dhaafay kujiray.
Alshabaab ayaa inta badan waxa ay dhibaato ugeystaan dadka degan deegaanada ay kasoo baxaan ciidanka dowladda, iyagoona guryaha ka guba xoolahana kaqaataana.