Ugaas Yuusuf Ugaas Xasan oo la caleema saaray Ugaaska Beesha 21-aad ee Beesha Xawaadle.

|

Baledweyne (KAAB TV)- Ugaaska Beesha Xawaadle Ugaas Yuusuf Ugaas Xasan Ugaas Khaliif, ayaa maanta oo Isniin ah lagu caleema saaray Ugaaska Beesha 21-aad ee Beesha Xawaadle, iyadoo munaasabad si heer sare ah loo soo agaasimay oo ka dhacday Gobolka Hiiraan. Boqolaal dadweyne ah oo ay ku jiraan madaxda sare ee heer federaal iyo heer gobol iyo odayaal dhaqameed ayaa ka soo qeyb galay munaasabada oo ka dhacday xaafadda Daara Ugaas oo ku taalla duleedka degmada Halgan. Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa u hambalyeeyay Ugaaska Beesha, isagoo u rajeeyay inuu sii wado dhaqankii 20-kii Ugaas ee isaga ka horreeyay, taasoo udub dhexaad u ahayd Soomaaliweynnimada, nabadeynta iyo ilaalinta midnimada ummadda Soomaaliyeed. Ciidamada xoogga dalka oo ay wehliyaan maleeshiyaad deegaanka ah ayaa sanadkii hore xoreeyay xaafadda Dara Ugaas oo ay ka dhacday munaasabada iyo deegaano kale oo istiraatiiji ah oo ka tirsan gobolka Hiiraan.

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News