DEG DEG: Sufiyaan Taakeeye oo markale xabsiga ladhigay sababo laxiriira wareysiyadii uu bixiyay

|

MUQDISHO (KAAB TV) – Warar soo baxaya ayaa waxa ay sheegayaan in xabsi kuyaal Muqdisho uu ku xiranyahay Sufiyaann Taakeey, kaas oo sheegta in uu hogaamiyo xisbiga Talo-kunool.
Sidoo kale, Sufiyaan Taakeeye oo dhawaan xabsi laga soo daayey ayaa lasoo warinaaya in xarigiisan danbe loo aanaynayo wareysiyo dhowr ah oo uu bixiyey, kuwaas oo uu kaga hadlayey fikirkiisa ku aadan in Kitaabka Alle iyo Sunada Nebi Muxamed ( NNKH ) lagu hogaamiyo dalka iyo dadka.
Dhanka kale, Taakeeyee ayaa mar uu maxkamada ciidamada uu kasoo muuqday ayaa waxaa uu kahor sheegay in dowladda uusan kasoo horjeedin nidaam keedana uu raacsanyahay, halka markii hore uu sheegi jiray in dalka dadkaba aan lagu xukumin kiitabka Qur’aanka kariimka taasina uu kasoo horjeedo Sufiyaan Taakeeye.

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News