Customize Consent Preferences

We use cookies to help you navigate efficiently and perform certain functions. You will find detailed information about all cookies under each consent category below.

The cookies that are categorized as "Necessary" are stored on your browser as they are essential for enabling the basic functionalities of the site. ... 

Always Active

Necessary cookies are required to enable the basic features of this site, such as providing secure log-in or adjusting your consent preferences. These cookies do not store any personally identifiable data.

No cookies to display.

Functional cookies help perform certain functionalities like sharing the content of the website on social media platforms, collecting feedback, and other third-party features.

No cookies to display.

Analytical cookies are used to understand how visitors interact with the website. These cookies help provide information on metrics such as the number of visitors, bounce rate, traffic source, etc.

No cookies to display.

Performance cookies are used to understand and analyze the key performance indexes of the website which helps in delivering a better user experience for the visitors.

No cookies to display.

Advertisement cookies are used to provide visitors with customized advertisements based on the pages you visited previously and to analyze the effectiveness of the ad campaigns.

No cookies to display.

SO | EN

Kulankii xildhibaanada BF oo baaqday iyo dood xooggan oo taagan

|

Muqdisho (Kaab TV) Kulankii maanta ee Xildhibaanada Golaha Shacabka ayaa u baaqday kooram la’aan kadib markii ay soo xaadiri waayeen fadhiga tiro xildhibaano ku filan si uu fadhigu u furmo.

Tirada kulankaan soo xaadirtay ayaa noqotay 120 xildhibaan oo kaliya, taasi oo keentay in guddoonka Golaha Shacabka uu soo xiro fadhiga, islamarkaana uu digniin culus u diro xildhibaanada maqnaaday fasax la’aanta.

Sidoo kale qaar ka mid ah xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya ayaa arrintan si adag uga hadlay maadaama kulamo badan oo Golaha Shacabka ay sidaan oo kale ugu baaqdeen kooram la’aan.

Kulanka maanta ayaa la filayay in loogu codeeyo Hindise-sharciyeedka Nidaamka Maaliyadeed ee Kheyraadka Dhulka Hoostiisa, kaasi oo akhrintii saddexaad maraya iyo sidoo kale akhrinta koowaad ee Hindise-sharciyeedka Socdaalka.

Kulamadii u dambeeyay ee Golaha Shacabka ayaa waxaa hareeyay dood sharciyeed xoogan oo salka ku haysa qaab hogaaminta Baarlamaanka ee guddoomiye ku-xigeenka 2-aad oo muddo ku dhow bil keligiis guddoominayey golaha.

Guddoonkan ayaa waxaa lagu eedeeyay inuu ku xad-gudbay xeer hoosaadka, waxayna mudaneyaasha qaar sheegeen in golaha ka taagan tahay xaalad guddoon xumo.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Sheekh Aadan Madoobe oo xilligaan ah ku-sime ayaa muddo dheer soo xaadirin golaha, halka guddoomiye ku-xigeenka koowaad uu isagna dalka ka maqan yahay.

Qaar kamid ah xildhibaanada Baarlamaanka ayaa hore u sheegay in guddoonkan uu qaab sharci darro ah ku meel-mariyay sharciyo, taasi oo keentay in sharciyadii u dambeeyay ee la horgeeyay golaha ay qaataan waqti dheeraad ah.

Si kastaba, ma aha markii ugu horreysay ee kooram la’aan u baaqdo kulan ay leeyihiin xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya, waana wax markasta dhaco waayadii dambe, ayada oo dhowr jeer arrintaan looga digay xildhibaanada.

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News