Dowladda Federaalka Somalia oo faahfaahin kabixisay halka uu marayo qorsha dagaalka Alshabaab

|

Muqdisho – Dowladda Soomaaliya ayaa faahfaahin ka bixisay guulaha laga gaaray howlgalladaas iyo qorshaha sii socoshada howlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab.

Sidoo kale, La taliyaha Amniga Qaranka Xuseen Macalin ayaa sheegay in dagaallada ka dhanka ah Al-Shabaab guulo waaweyn laga gaaray, isla markaana laga xorreeyay meelo badan ay gacanta ku hayeen hase ahaatee aysan weli fari ka qodneyn.

Dhanka kale, Wuxuu sheegay in howlgallada sidoo kale khasaaro xoogan lagu gaarsiiyay Al-Shabaab, isaga oo balan qaaday inay sii socon doonaan howlgallada ayna qofrsheysan yihiin ilaa guud ahaan dalka laga saaro Al-Shabaab.

Ugudambeyn, Hadalka La taliyaha Amniga Qaranka ee Madaxweynaha Soomaaliya Xuseen Macalin ayaa kusoo aadaya xilli weli meelo badan oo dalka ah ay maamulaan Al-Shabaab isla markaana mararka qaar ay weeraraan Saldhigyada Ciidamada dowladda Soomaaliya

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News