SO | EN

SO | EN

Sargaal lagu magacaabo Xasan Jaamici iyo Qaar kamid ah ilaaladiisa oo Qarax Miino ah lagula eegtay Muqdisho

|

MUQDISHO (KAAB TV) – Waxaa goordhaw magaalada Muqdisho lagu qarxiyay taliyihii hore ciidanka qeybta 21-aad ee xooga dalka Jeneraal Xasan Maxamed Jaamici, waxaana qaraxan ka dhashay khasaaro isugu jiray dhimasho iyo dhaawac.

Sida aan wararku sheegayaan gaari uu watay Xasan Jaamici ayaa lala eegtay qarax nuuca miinada ah , waxaana qaraxa ku dhintay qaar kamid ah ilaalada sargaalkan katirsan ciidanka xoogag dalka , halka uu dhaawac culus qaraxa kasoo gaaray Xasan Jaamici.

Sidoo kale, Dhaawaca Xasan Jaamici ayaa loola cararay isbitaalka Digfeer ee magaalada Muqdisho, waxaana xubno ehel la ah sargaalkan oo gaaray isbitaalka sheegeen in xaalada dhaawac ee sargaalka soo gaaray ay tahay mid culus.

Dhanka kale, Wararka aan helnay ayaa sheegaya in Jeneraal Xasan Jaamici oo muddooyinkii lasoo dhaafay ku sugnaa deegaannada Galmudug uu soo gaaray magaalada Muqdisho, kaddib markii la sheegay in looga yeeray magaalada ayna casuumeen madaxda dalka.

Ugudambeyn, Sargaalkan ayaa kamid ahaa saraakiisha dagaalka xooggan Al Shabaab kula galay deegaannada Galmudug, waxaana horey looga qaaday xilkii taliyaha ciidanka qeybta 21-aad, waxa uuna muddooyinkii dambe ku sugnaa Galmudug oo saldhig u ahaa.

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News