Customize Consent Preferences

We use cookies to help you navigate efficiently and perform certain functions. You will find detailed information about all cookies under each consent category below.

The cookies that are categorized as "Necessary" are stored on your browser as they are essential for enabling the basic functionalities of the site. ... 

Always Active

Necessary cookies are required to enable the basic features of this site, such as providing secure log-in or adjusting your consent preferences. These cookies do not store any personally identifiable data.

No cookies to display.

Functional cookies help perform certain functionalities like sharing the content of the website on social media platforms, collecting feedback, and other third-party features.

No cookies to display.

Analytical cookies are used to understand how visitors interact with the website. These cookies help provide information on metrics such as the number of visitors, bounce rate, traffic source, etc.

No cookies to display.

Performance cookies are used to understand and analyze the key performance indexes of the website which helps in delivering a better user experience for the visitors.

No cookies to display.

Advertisement cookies are used to provide visitors with customized advertisements based on the pages you visited previously and to analyze the effectiveness of the ad campaigns.

No cookies to display.

SO | EN

Jabuuti oo kooxdii Farmaajo ku eedeysay arrin ku saabsan xiisadda Laascaanood

|

Jabuuti (Kaab)Xildhibaan Cabdow Ciise Bulaale oo ka mid ah baarlamaanka dalka Jabuuti ayaa ka soo hadlay xiisadda colaadeed ee ka taagan magaalada Laascaanood oo mar dowladda Jabuuti lagu eedeeyey inay ku lug leedahay.

Xildhibaan Cabdow ayaa kooxdii Nabad iyo Nolol ee Farmaajo hoggaami jiray ku eedeeyey inay dacaayad la daba-joogaan reer Jabuuti, isla markaana ay baraha bulshada ku faafiyeen warar sheegaya in Jabuuti ay hurineyso xiisadda Laascaanood.

“Sanadahaan waxaa socday dacaayad ay dowladdii hore ee Nabad iyo Nolol la daba joogtay reer Jabuuti, dacaayado xun ayey naga faafiyeen, waxay doonayeen inay nagu diraan walaalaheen, laakiin anagu kama tanaasuleyno gurmadkeenna Hiil-walaal, sida uu Madaxweyne Xasan Sheekh sheegay waxa naga dhexeeya bir ma goyn kareyso, biyana ma meyri karaan,” ayuu yiri Xildhibaankaan reer Jabuuti.

Xildhibaanka oo wareysigaan siiyey Dalsan TV ayaa si adag u beeniyey in Jabuuti ay hurineyso colaada Laascaanood, isagoo ku dooday in ajendaha Jabuuti uu yahay oo kaliya in la caawiyo cid kasta oo isirka Soomaali sheegata.

Cabdow Ciise oo sheegay inuu yahay Xildhibaan mucaarad ku ah xukuumadda Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle ee Jabuuti ayaa hadana ka difaacay eedeymaha loo jeediyey dowladaas oo dad ka soo jeeda Laascaanood ay ku eedeeyeen inay kala safatay Somaliland.

“Si kasta ayaan u baarnay, waxaan cadeynaa in dowladda Jabuuti aysan sina ugu luglaheyn xiisadda Laascaanood, anagoo ah xisbiga garabka mucaaradka ah, taas ayaan soo xaqiijinay, tani waa xumaan lagu faafiyey baraha bulshada,” ayuu yiri Xildhibaan Cabdow.

Xildhibaanka ayaa Soomaalida ka cosday inay isku noqdaan oo walaalnimada ilaaliyaan oo is dilka iska dhaafaan, “Shacabiga Soomaaliyeed iyo kan reer Jabuuti ayey doonayaan inay xumaan kala dhex dhigaan kuwa faafiyey warkaas, laakiin anagu xumaan kama shaqeyno,” ayuu hadalkiisa ku sii daray.

Ugu dambeyntii Xildhibaanka ayaa sheegay in Jabuuti ay mar kasta dooneyso inay gogol u fidiso oo u fududeyso inay heshiiyaan cid kasta oo Soomaali ah oo wax kala tirsaneysa, si lamid ah gogoshii Carta, sida uu sheegay Xildhibaan Cabdow.

 

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News