“Barkhad” ayay hooyadiis u bixisay markuu dhashay, laakiin ma ahayn magac uu ku muteystay xilliga uu dhashay ee wuxuu iska ahaa magac-bixin lagu nasiibsaday.
Waa waayeel da’diisa u raacdo tuuganimo iyo hunguri-xumo laga ashahaato. Oday Barkhad waa tuug farihiisa kala xada. Waa nooca ay Soomaalidu ku tilmaanto ‘kii kabaha Nabiga xaday’. Dadka uu bartilmaameedsado waxay u badan yihiin kuwa saboolka ah iyo inta nugul. Waa moora-duug geerida uun u hartay.
Waagu markuu baryo wuxuu oday Barkhad ku jarmaadaa suuqa tuulada, isaga oo iska dhigaya oday caaqil ah oo dadka u nabadoon ah, ka arrimiya wixii reeraha dhex yaalla, talana bixinaya, laakiin run ahaantii, waxa uu had iyo jeer isha ku hayaa fursado uu wax ku dhagro oo uu wax ku xado. Dadka tuuladu oonka iyo gaajada roob la’aanta ka dhalatay waxaa u dheer in faqrigu ku sii fogaaday, laakiin guriga oday Barkhad subag sixin ah, soor iyo hilbo ayaa is dulsaaran. Mid uu shaqeystayse ma ahan ee waa xoolihii uu dadka tuulada ka khiyaamay.
Suuban oo ahayd gabar yar oo xariif ah ayaa go’aansatay inay soo afjarto odayga tuugga ee dadka tuulada xaalufiyay. Suuban waa gashaanti ku dhalatay miyiga tuulada u dhow, halkaas ayey ku soo kortay. Waxaa la dhashay afar wiil oo mid ka yar yahay iyada. Hooyadeed Abyan waxay ku umul raacday da’da u yar reerka. Aabbaheedna waxba kama danbayn oo laba gu’ kadib ayuu sababsaday colaado qabiil oo degaanka ka dhacay.
Suuban Waxay la timid qorshe ay cashar ugu dhigto oday Barkhad. Waxa ay dubtay doolshe (cake) weyn oo u eg wax macaan badan, waxaanay suuqa gelisay in doolshahan uu yahay mid barakeysan oo qofkii cuna hantidiisa iyo maalkiisa laban-laabmi doonaan, oo taajir is nacay uu noqon doono.
Oday Barkhad ayaa warkii maqlay. Wuu is celin waayay hunguri badnidiisa awgeed. Wuxuu si degdeg ah u aaday fagaaraha tuulada oo Suuban ay ku soo bandhigtay doolsheheeda. “Ii dhiib xabbad doolshe ah,” ayuu dalbaday, isagoo indhihiisu waaweyn bannaanka u soo saaray hunguri weyni wuxuu ka qabo.
Suuban markiiba waxay si deeqsnimo leh ugu dhiibtay jeex weyn. Oday Barkhad ayaa si weyn u cantuugay oo cankii buuxsaday, isagoo sugaya in hantidiisu laban-laabanto. Laakiin halkii uu ka dareemi lahaa qaninimo, wuxuu bilaabay inuu dareemo yaab. Calooshii ayaa durba wareegtay, oo bilawday inay bararto oo fuurto!.
Wuxuu ku orday xaggii mundulkii uu ku noolaa isagoo xanuun daran bestiis la ah!. Tallaabadii cusleyd ayaa furtay jeebkiisa futushaariga oo waxaa dhulka ku daatay qadaadiic uu jreebka ku urursaday oo ahayd wixii uu umadda tuulada ka xaday.
Oday Barkhad wuxuu geeriyooday maalmo ka dib. Tuuladii way nasatay. Gugaas roob iyo barwaaqo aan kala joogsi lahayn ayay heleen dadkii tuulada iyo miyiga u dhow degganaa.
Sanadkii danbe ayaa Suuban iyo dhowr gabdhood oo bannaanka tuulada ka yimid soo mareen mundulkii uu ku dhintay oday Barkhad oo tuulada gees kaga yaalla. Waa gurigii oday Barkhad oo burburay oo albaabku dhinac ka laalaado, oo xas bahalo galeen noqday!.
W/Q: Abdalle Ahmed Mumin