Mogadishu (KAAB TV) –Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya ayaa shaacisay in ciidamada milateriga ay burburiyeen saldhigyo Al-Shabaab ay ku askareyn jireen carruurta, kadib howlgalo muddo todobaad ah ka socday dowlad goboleedyada Koonfur Galbeed, Hirshabeelle iyo Galmudug.
Afhayeenka Wasaaradda Gaashaandhigga, Abuukar Maxamed Xasan, ayaa sheegay in todobaadkii hore ay ciidamadu howlgallo ka sameeyeen gobollada Shabeellaha Dhexe, Hiiraan, Galgaduud, Baay iyo Bakool. Inta uu socday howlgalladan ayaa ciidamada dowladda waxa ay kooxdaasi ku gaarsiiyeen khasaarooyin kala duwan, waxa ayna burburiyeen goobo ay weeraro ka soo abaabuli jireen.
“Ciidanku waxay burburiyeen goobo ay Al-Shabaab ku uruurin jireen carruurta iyo dadka reer miyiga ah si ay lacago baad ah uga qaataan,” ayuu yiri Abuukar Maxamed Xasan.
Si kastaba ha ahaatee, afhayeenku ma uusan sheegin tirada rasmiga ah ee Al-shabaab looga dilay howlgalladii todobaadkii hore dhacay.