Ciidamada Puntland oo Boosaaso ku qabtay 3 nin oo looga shakisan yahay inay ka tirsan yihiin Daacish.

|

Boosaaso (KAAB TV) – Ciidamada ammaanka ee dowlad goboleedka Puntland gaar ahaan kuwa sida gaarka ah u tababaran ee Puntland ayaa howlgal ay ka sameeyeen magaalada Boosaaso waxa ay ku soo qab qabteen saddex ruux oo looga shakisan yahay in ay ka tirsan yihiin Daacish.

Laamaha amaanka Puntland ayaa tilmaamay in ay wadaan baaritaano culus oo ku aadan saddexda ruux ee la qabtay, islamarkaana ay la wadaagi doonaan natiijada kasoo baxda.
Ujeedka Ciidamada Puntland ay howlgalka u sameeyeen ayaa lagu sheegay in lagu baadigoobayo dadka lagu tuhmayo in ay ka tirsan yihiin Daacish islamarkaana ay u qaabilsan yihiin aruurinta iyo qaadista lacagaha ganacsatada ah sida lagu sheegay qoraalka.

Ciidamada ammaanka Puntland ayaa digniin culus u diray ganacsatada magaalada Boosaaso, waxayna uga digeen in aysan lacag bixin, isla markaana aysan ku biirin Daacish, cidii amarkaas u hogaansami weydana tallaabo adag laga qaadi doono.

Qaar ka mid ah ganacsatada magaalada Boosaaso ayaa la sheegay in Daacish ay ku qasbaan lacagahaasi, waxaana la xoojiyay howlgallada ay wadaan ciidamada ammaanka ee dowlad goboleedka Puntland.

Ciidamada ammaanka Puntland ayaa weli ku guda jira olole xooggan oo ka dhan ah kooxaha xagjirka ah iyo howlgallada adag ee lagu ciribtirayo kooxaha xagjirka ah ee gobolka.

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News