Muqdisho (KAAAB TV) – Taliyaha ciidanka ciidanka xoogga dalka Soomaaliya Ibraahim Sheekh Muxyadiin oo wehliyo taliyaha ciidamadda dowladda Talyaaniga ayaa ubax dhigay taallada Daljirka ee Italy, loona yaqaan taallada geesiyaashii ciidamadda Talyaaniga.
Sidoo kale, munaasabad si weyn loo agaasimay oo halkaas loogu dhigay wafdiga uu hoggaaminayay taliyaha ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed waxaa goobjoog ka ahaa taliyaha ciidamadda milatariga Dalka Talyaaniga Admiral Giuseppe Cavo Dragone.
intaa kadib taliyaha ciidanka XDS ibraahim Sheikh Muxudiin iyo Taliyaha guud ee ciidamada dalka Talyaaniga Admiral Giuseppe Cavo Dragone ayaa ka wada-hadlay sidii loo xoojin lahaa wada shaqeynta labada dhinac .
Dhanka kale, labada taliye ayaa sidoo kale kawada hadlay sidii dowladda Talyaaniga ay garab buuxda u siin laheed dib u habeynta ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed, iyo sidii ay garab ugu siin laheyd la dagaallanka kooxaha argagaxisada ah.

