Akari katirsan ciidanka dowladda oo wiil dhalinyaro ah kudilay degmada Kaaraan

|

Muqdisho (KAAB TV) – Askari katirsan ciidanka dowladda Soomaaliya gaar ahaan kuwa booliisa milataare ayaa shalay degmada Kaaraan , gaar ahaan xaafada Arjantiin ku dilay wiil dhallinyaro ah oo kamid ahaa dadka deegaanka.

Sidoo kale, Wiilka la dilay oo lagu magacaabayay Yuusuf Maxamed Shuqaale ayaa kamid ahaa ardayda isbuuca soo socda u fariisan lahaa imtixaanka shahaadiga ee dugsiga dhaxe, hasa ahaatee askari katirsan ciidanka dowladda ayaa wiilkan yar nolosha u aqoonsaday.

Aabaha , hooyada iyo ehelada kale ee wiilkan la dilay oo warbaahinta la hadlay ayaa dowladda Soomaaliya ka dalbaday in gacanta lagu soo dhigo askariga dilka geestay , waxa ayna codsadeen in ay caddaalad u helaan wiilkooda.

Dhanka kale, ehelada wiilkan ka dilay oo hadda uu meydkiisa ku jiro filinjeer ayaa sheegay in aysan aasi doonin ilaa caddaalad looga helo marxuumkaasi, lana soo qabto askarigii sida gardarada ahey u dilay.

Waxa uu sheegay aabaha wiilka la dilay in wiilkiisa shalay duhurkii ugu dambeesay uuna ka codsanayay, haddii imtixaanka shahaadiga ah ee dugsiga dhaxe ku baaso in uu u iibiyo moobeel nuuca Iphon-ka.

Sikastaba, Dilalka micno darada ah ay mararka qaar geesanayaan askarta katirsan ciidanka dowladda ayaa ka dhaca magaalada Muqdisho, waxa ayna dilalkan lumiyaan kalsoonida shacabka ku qabaan askarta dowladda.

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News