Galmudug oo goordhow toogasho ku fulineyso raggii dilay macallinka iyo dhaqtarka{sawirro}

|

Galgaduud (KAAB TV) -Maxkamadda Gobolka Galgaduud ayaa goordhow dil toogasho ah ku fulinaysa raggii dilay Macalinkii iyo Dhakhtarkii walaalaha ahaa.

 

Wariyayaasha Dhuusamareeb ayaa ku sugan hada Saldhigga Booliiska halkaas oo gaari looga qaadi rabo danbiilayaasha lagu fulinayo qisaasta.

Nuur Cabdi Maxamed, Shuceyb Maxamed Faarax Aadan, iyo Bile cabdullahi Xasan ayaa lagu fulin rabaa dilka qisaasta ah ee Marxuumiinta kale ahaa Dr Axmed Xasan cusmaan iyo Macallin Axmed Xasan Cusmaan.

Raggan ayaa waxaa horey dil toogasho ah ugu xuntay Maxkamadda Gobolka Galgaduud.

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News