Dalka Soomaaliya oo maanta lafilaayo in uu xubin buuxdo kanoqdo golaha ammaanka Qaramada Midoobay

|

NEW YORK (KAAB TV) – xubin aan joogto aheyn ka noqdo golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay, marka ay dhacdo codbixinta golaha guud ee Qaramada Midoobay.

Sidoo kale, Wasiirka Arrimaha Dibadda Xukuumadda Soomaaliya Axmed Macallin Fiqi iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa ku sugan Xarunta Qaramada Midoobay ee Magaalada New York, waxa ayna goobjoog ka noqonayaan cod bixinta dhaceysa.

Kursiga aan joogtada aheyn ee golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa Soomaaliya ku fadhin doontaa muddo labo sanno ah oo ka bilaabaneysa Janaayo 2025, waxa ayna tani Soomaaliya u noqoneysa guul weyn.

Dhanka kale, Soomaaliya waxaa ku biiraya afar xubnood oo kale oo kala ah Denmark, Greece, Pakistan iyo Panama. Dhammaantood waxay hore uga soo mid noqdeen Golaha, iyada oo ay Soomaaliya ugu dambeysay muddo laga joogo 53 sano.

Ugudambeyn, Shantan dal ee xubinta ka noqonaya golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa bedelaya dalalkan Mozambique, Switzerland, Malta, Japan iyo Ecuador, kuwaa oo usoo dhammaatay muddadii ay kuraastan ku matali lahaayeen dalalkooda.

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News