Soomaaliya oo ku biirtay Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay in ka badan 50 sano kadib.

|

WASHINGTON (KAAB TV) – Golaha loo dhan yahay ee Qaramada Midoobay ayaa maanta oo Khamiis ah u doortay Soomaaliya in ay ka mid noqoto 15-ka xubnood ee Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay muddo labo sano ah oo ka bilaabaneysa sanadka 2025-ka.

Dalka yar ee Geeska Afrika ayaa ka mid ahaa shanta waddan ee helay codadka ku guulaystay, waxaana ku weheliya Denmark, Greece, Pakistan iyo Panama.

“Waa astaan ​​iyo maqaam diblomaasiyadeed oo xooggan in Soomaaliya ay ka dhex muuqato golaha ammaanka, tanina waxa ay Soomaaliya ka caawineysaa in ay galaangal wanaagsan u yeeshaan dalalka xubnaha ka ah,” ayuu yiri C/qafaar Cabdi Wardheere oo falanqeeya arrimaha Soomaaliya oo ku sugan gobolka Virginia.

Markii ugu horeysay muddo ka badan 50 sano, ayuu sheegay in Soomaaliya ay yeelan doonto codeyn go’aanno la xiriira colaadaha adduunka.

“Golaha Ammaanka waa hay’adda kaliya ee Q.Midoobe oo gaari karta go’aano sharci ah sida cunaqabateyn iyo in awood loo adeegsado, sidaas darteed Soomaaliya waxay heli lahayd cod go’aamiya arrimaha caalamka iyo go’aannada,” ayuu yiri Wardheere.

Isagoo ku dhawaaqaya natiijada doorashada, Madaxweynaha Golaha Guud ee Qaramada Midoobay Dennis Francis, ayaa yiri, “Codbixin qarsoodi ah, waddammada la doortay waxay xaqiijiyeen saddex-meelood laba meelood laba dal oo xubnaha ka ah inay joogaan oo u codeeyaan 193-ka xubnood ee Golaha Guud.”

Warkaas ka dib, Qaramada Midoobay ee Soomaaliya waxay ugu hambalyeysay dowladda Soomaaliya iyo shacabkeeda “doorashada dalkooda maanta ka dhacday ee kursiga Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay 2025-2026”.

“Soomaaliya waxay soo martay waddo dheer soddonkii sano ee la soo dhaafay oo ay ku socotay waddadii nabadda, barwaaqada, iyo amniga,” ayuu yiri ku-simaha ergeyga gaarka ah ee xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya James Swan. “Doorashada kursi ka mid ah golaha ammaanka waa aqoonsiga horumarkaas la mahadiyo.”

“Waaya-aragnimada Soomaaliya waxay ka dhigaysaa meel gaar ah si ay gacan uga geysato doodaha golaha ee nabadda iyo ammaanka caalamiga ah,” ayuu Swan ku daray.

Shanta xubnood ee joogtada ah ee codka diidmada qayaxan ee Golaha Ammaanka ayaa kala ah Britain, Shiinaha, Faransiiska, Ruushka iyo Mareykanka.

Shanta wadan ee la doortay Khamiista ayaa bedeli doona Ecuador, Japan, Malta, Mozambique iyo Switzerland, kuwaas oo waqtigoodu dhamaanayo December 31.

Soomaali iyo xubnaha kale ee cusub ee la doortay waxay ku biiri doonaan xubnaha aan joogtada ahayn ee Algeria, Guyana, Republic of Korea, Sierra Leone iyo Slovenia, kuwaas oo xilligoodu bilaabmay Janaayo.

Sida laga soo xigtay Qaramada Midoobay, 10-ka kursi ee aan joogtada ahayn ee Golaha Ammaanka waxaa loo qaybiyay afar kooxood oo goboleed: Afrika iyo Aasiya; Yurubta bari; Laatiin Ameerika iyo Kariibiyaanka; iyo kooxda Galbeedka Yurub iyo Dawladaha kale.

Xubnaha cusub ee la soo doortay ayaa waxaa taageeray kooxihii ay ka soo jeedeen, waxaana ay u sharaxan yihiin kuwo aan la tartamin.

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News