Soomaaliya oo diyaar u ah inay la ciyaarto Mozambique isreeb-reebka koobka adduunka ee 2026-ka.

|

MUQDISHO (KAAB TV) – Xulka qaranka Soomaaliya ayaa la ciyaari doona xulka Mozambique, garoonka Estádio Nacional do Zimpto jimcaha saacadu marka ay tahay 4:00 galabnimo, kulan ka tirsan wareega 3-aad ee isreeb reebka koobka aduunka ee CAF group G.

Xulka Qaranka Soomaaliya ee Xiddigaha Badda ayaa sameeyay diyaar garow xooggan, waxaana lagu soo warramayaa in ay diyaar u yihiin in ay saddexda dhibcood ka helaan kulanka ay la ciyaarayaan Mozambique.

Dhanka kale Soomaaliya ayaa hadda fadhisa kaalinta ugu hooseysa ee Group-ka G iyada oo aan wax guul ah gaarin iyadoo kulamadii hore laga badiyay waxayna sidaas ku soo gashay kaalinta 6-aad ee ugu hooseeya Group-ka (G) iyadoo kulamo kale ay harsan yihiin in la ciyaaro kulamada xiga. sanadka 2025.

Xulka qaranka Soomaaliya ayaa maalmihii ugu dambeeyay ku jiray diyaar garow adag, waxaana ciyaartoyda, macalimiinta iyo taageerayaasha lagu booriyay inay u midoobaan sidii ay kalsooni u heli lahaayeen, isla markaana ay u heli lahaayeen dhibco muhiim ah.

Group G ee isreebreebka CAF waxa ku jira Algeria, Guinea, Uganda, Mozambique, Botswana iyo Somalia.
Kooxda ku guulaysata Group-ka ayaa si toos ah ugu soo bixi doonta koobka adduunka, waxaana laga yaabaa in kooxda ku soo baxda kaalinta labaad ay u tartanto Play Off-ka si ay ugu gudubto isreeb-reebka xulalka.

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News