4 ka mid ah shaqaalaha dhismaha kenya oo lagu dilay meel u dhow xadka Soomaaliya .

|

Nairobi (KAAB TV) – Dabley hubeysan oo ku sugan waqooyiga Kenya ayaa toogasho ku dilay afar ka mid ah shaqaalaha dhismaha isbitaal ku yaalla meel u dhow xero qaxooti oo ku taala xuduudka Soomaaliya halkaas oo ay ka jiraan kooxo mintidiin ah, sida ay booliisku sheegeen S.

Koox ka kooban 8 qof oo shaqaale ah ayaa jimcihii la weeraray, iyadoo afar toogasho lagu dilay meel u dhow xadka soomaaliya , sarkaal booliis ah oo diiday in magaciisa la sheego sababo la xiriira xasaasiyadda arrintan ayaa u sheegay wakaaladda wararka ee Associated Press. Afarta qof ee kale ee shaqaalaha ah ayaa baxsaday iyagoo bad qaba, sida uu sheegay sarkaalku.

Goobta laga dhisayo isbitaalka ayaa ku dhow xerada qaxootiga ee ugu weyn Kenya ee Dhadhaab, iyo xadka Soomaaliya ay la wadaagto kooxda Al-Shabaab. Degmada Garissa ayaa dhowr jeer oo hore waxaa weerar ku qaaday dagaalyahano ka tirsan Al-Shabaab oo ka soo gudbay xuduuda.

Booliska deegaanka ayaa sheegay in weerarkii jimcaha laga yaabo inay soo abaabuleen koox hubaysan oo uga digay qandaraaslaha inuu ka fogaado aagga, oo ay u arkaan inay yihiin caws.

Waqooyiga Kenya ayaa maalmihii la soo dhaafay waxaa ka dhacayay rabshado sababay dhimashada dhowr qof oo ka dhacay meelo kala duwan.

booliiska xuduudda Mandheera ayaa soo helay walxaha qarxa oo la doonayay in lagu qarxiyo. Todobaadkii hore ayay ahayd markii kooxo hubeysan ay labo qof oo xoolo dhaqato ah lagu dilay meel biyo ah, sidoo kale deegaanka Mandheera. Bishii April, shan qof ayaa ku dhintay qarax gaari dameer ka dhacay magaalada Ceelwaaq.

Dowladda ayaa sheegtay in la kordhiyay howlgallada lagu xaqiijinayo ammaanka ee waqooyiga Kenya.

Weeraradii ugu dambeeyay ayaa dowladda ku qasbay in ay hakiso qorshaha dib loogu furayo xadka Kenya iyo Soomaaliya oo 698-km u dhiganta (434-mile) oo la xiray sanadkii 2011-kii, inkastoo weli ay socdaan isgoysyada sharci darrada ah.

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News