Muqdisho (KAAB TV) – Ku simaha ergeyga gaarka ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya James Swan oo weli sii wada kulamadiisa gaar gaarka ah ayaa xalay wada-hadal khadka taleefoonka ah waxa uu la yeeshay madaxweynaashii hore ee dalka Maxamed Cabdullahi Farmaajo iyo Sheekh Shariif Sheekh Axmed, isaga oo kala hadal arrimo xasaasi ah.
Sidoo kale, kulankan ayaa waxa uu qayb ka ahaa wadatashiyo uu maalmahan James Swan la yeelanayo daneeyayaasha siyaasadda, si uu xog wareysto xaaladda guud ee dalka, sida lagu shaaciyay war-murtiyed kasoo baxay xafiiska Qaramada Midoobay ee loo yaqaano UNSOM.
“ Ku-simaha Ergeyga Gaarka ah ee Qaramada Midoobay James Swan isagoo sii wada wadahadlada waxa uu khadka taleefoonka kula hadlay Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Maxamed “Farmaajo”, ayaa lagu yiri qoraalka UNSOM.
Dhanka kale, James Swan iyo Farmaajo ayaa waxa ay si gaar ah ugu wadahadleen isbadaladii siyaasadeed ee dalka kadhacay.
Kusimaha ergeyga gaarka ee Qaramada Midoobay james Swan ayaa hore waxa uu kulan noocaan camal uu khadka taleefanka kula yeeshay madaxweynihii hore ee dalka Shariif Sheekh Axmd, iyagoona kawada hadlay sidii loo ambaqaadi lahaa horumada dalka laga sameeyay.
Sikastaba, waxaa maalmihii lasoo dhaafay Muqdisho kulamo ka waday James Swan oo markii labaad loo soo magacaabay wakiilka QM ee Soomaaliya, isaga oo horey usoo ahaa ergeyga gaarka ah ee xoghayaha guud ee QM iyo madaxa UNSOM laga soo bilaabo 2019 ilaa 2022, kadib markii uu muddo dheer ka soo shaqeeyay adeegga diblomaasiyadda ee Mareykanka.


