Nin udhashay dalka Mareykanka oo muddo madaxanuun ka cabanaayay oo xaalad lala yaabo lagu dhex arkay madaxiisa

|

Florida (KAAB TV) – Nin 52-sanno jir ah oo u dhashay dalka Mareykanka oo si joogta ah uga cabanayay xaalad madax xanuun ah oo kusoo noq noqotay, ayaa loo sheegay war aad uga yaabiyay oo sabab u ahaa xanuunka hayay.

Sidoo kale, bukaankan ayaa waxa uu isticmaali jiray daawooyin kala duwan, waxa ayna xaaladiisa noqotay mid dhaqaatiir badan ay isku kaa shadaan si ay u ogaadaan xalna ugu raadiyaan xanuunkan ninkan haya.

Baaritaanno kala duwan oo ninkan lagu sameeyay kaddib ayaa la ogaaday in ninkan madaxiisa gaar ahaan maskaxdiisa ku noolaa gooryaan weyn oo dhogor leh, taa oo sababtay in ninkan xanuun joogta ah uu qaado.

Dhanka kale, dhaqaatiir ku sugan gobolka Florida ee dalka Mareykanka ayaa sheegay in ninkan bukaanka ah oo magaciisa la qariyay maskaxdiisa lagu arkay gooryaan, waxa ayna xuseen in gooryaankan in muddo ah maskaxda ninkan ku dul noolaa.

Sikastaba, Dad badan ayaa xaalado nuucaan ah marar kala duwan la kulmay, kuwaa oo gudaha calooshooda ama maskaxdooda loogu tagay bahalo iyo sidoo kale waxyaabo  kale oo xaaladooda caafimaad wax badan u dhintay.

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News