Hargeysa (KAAB TV) – Madaxweynaha maamulka Somaliland Muuse Biixi cabdi ayaa mar kale soo hadal qaaday heshiiska ay dhul badeedka ku siinayaan Itoobiya, isaga oo markii ugu horeysay sheegay halka uu dhulkaas noqon doono.
Sidoo kale, Biixi ayaa mar uu wareysi siinaayay wargeyska The Economist ayaa sheegay in dhul xeebaadkaas oo dhan 20x20KM uu ku teedsanaan doono Lughaya illaa Bulhar, halkaasi oo Itoobiya ay ka dhisi doonto saldhig ciidamada badda ah sida uu hadalka udhigay.

Dhanka kale, Muuse Biixi ayaa sheegay in ay dhul badeed siiyaan Itoobiya ay ugu baahi qabaan in ay aqoonsi helaan, taasina ay ku qasbeyso in dhulka badeedkaas siiyaan itoobiya sida uu kusheegay wareysigiisa.
“Waxa aanu halgan ugu jirnaa sidii aanu u heli lahayn madax-banaanideena, sida dalalka kale ee qaaradda ay sameeyeen,”
“Itoobiya waa ay ka fiirsan doontaa mowqifkeeda ku aadan aqoonsiga Soomaaliland, lakiin ilaa hada ma aysan bixin damaanad qaad shaacsan oo ku aadan aqoonsiga Soomaaliland labada dhinacna ayaa haatan diyaarinaaya heshiiska rasmiga ah” ayuu hadalkiisa sii raaciyay madaxweyne Biixi.
Muuse Biixi ayaa sheegay hadii ay Itoobiya aqoonsato Soomaaliland, lama mid ahaan doonto dalalka qaarada kale ay kudayan doonaan.
Dowladda Federaalka oo iyadana mowqifkeeda ku aadan aqoonsiga Soomaaliland horey meel kaga istaagtay, iyadoona dalal badan oo caalamka kamid ah ay horey dowladda Soomaaliya ugu muujiyeen taageero Soomaaliya ayaa hataana 6 June ee sanadkan ayaa waxa ay xubin aan joogto aheyn ka heshay golaha ammaanka Qaramada Midoobay.
Dowladda Turkiga iyo dowladda Soomaaliya ayaana horey ugalay heshiis difaaca badda, kaasi oo Ankara ka dhigaya in ay ilaaliso biyaha Soomaaliya, islamarkaana aysan jirin cid kusoo xadgudbi karta madaxbanaanida iyo Qaranimada Soomaaliya.
Mareykanka ayaa dhankiisa arrintan ku saabsan heshiiska badda ee Addis Ababa lagashay Soomaaliland ka muujiyay walaac, isagoona sheegay in arrintan keeni karto in lawiiqo dagaalka kadhanka ah Alshabaab.
Sikastaba, Muuse Biixi ayaa si caro leh usoo hadal qaaday Mareykanka waxa uuna yiri “maxey tahay sababta uu Mareykanka ugu soo horjeedo arrintan waligoodna iima aysan sharxine arrintaane”

