SO | EN

Norway oo Xasan Sheekh ka saxiixatay heshiis shidaal iyo shaki ku gedaaman – Warbixin

|

OSLO, Norway (Kaab TV) – Ilo ku dhow Villa Soomaaliya ayaa Kaab TV u sheegay in Dowladda Norway ay ka saxiixatay madaxweynaha Soomaaliya heshiis wax ku kordhinaaya heshiis hore oo shidaal baaris oo Norway la sheegay in la gashay Kenya kuna saabsanaa shidaal baaris laga sameeyo aagga badda ee ay isku qabsadeen Soomaaliya iyo Kenya.

Waxaa xusid mudan in ka dib markii Soomaaliya ay diiday sheegashada Kenya ee dhul badeedka Soomaaliya in kiiska uu ku dhamaaday Maxkamadda Caalamiga ee ICJ sannadkii 2021.

Muranka badda ee u dhexeeyay Kenya iyo Soomaaliya ayaa ka bilawday heshiis lagu sheegay is afgarad (MOU) lagu saxiixay Nairobi sannadkii 2009. Waxaa heshiiskaasi qoray diblomaasi Norway u dhashay oo lagu magacaabo Hans Wilhelm Longva.

HESHIISKA CUSUB

Toddobaadkii hore waxaa dalka Norway lagu casumay Xasan Sheekh Maxamuud iyo xubno tiro yar oo isaga la socday, kuwaasoo ujeedka safarkooda uu shaki badan dhaliyay. Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa la sheegay inuu kulan dhowr daqiido qaatay la yeeshay boqorka Norway Harald V, iyo dhaxal suge Haakon Magnus.

Ka dib, warbaahinta Villa Soomaaliya ayaa baahisay in Soomaaliya ay saxiixday heshiis dhexmara Soomaaliya iyo Norway.

“Soomaaliya iyo Norway ayaa kala saxiixday Heshiis Is-afgarad ah oo sii qoto dheereynaya iskaashiga laba geesoodka ah ee labada dal ee ku aaddan arrimaha caalamiga ah ee danaha labada dal. Norway ayaa ah saaxiib soo jireen ah oo Soomaaliya la wadaaga, isla markaana ah saaxiibka muhiimka ah ee dhinacyada dhismaha nabadda, dowlad wanaagga iyo horumarka,” ayaa lagu yiri war kooban oo lagu faafiyay bogga Villa Soomaaliya.

Wasiiru Dawlaha Madaxtooyada Abshir Bukhaari iyo Wasiirka Arrimaha Dibadda Norway Espen Barth Eide ayaa la sheegay inay saxiixeen heshiiska is-afgaradka.

Wasiiru Dawlaha Madaxtooyada Abshir Bukhaari iyo Wasiirka Arrimaha Dibadda Norway Espen Barth Eide ayaa la sheegay inay saxiixeen heshiiska is-afgaradka.

Lama soo bandhigin nuxurka heshiiskan lagu tilmaamay “is afgarad”, umana badna in la geeyo Baarlamaanka Soomaaliya.

Dad wargal ah oo ku sdhow Villa Soomaaliya ayaa sheegaya in Norway ay dooneysay inay mad-madowga meesha ka saarto, iyo inay xaqiisato in heshiisyada shidaal baarista ee a y hore u heysatay ay sidoodii yihiin, lagana gaarsiiyo inta ay hadda Soomaaliya joogaan madax jilicsan oo si fudud looga fushan karo heshiis kasta.

EEDEYN HORE

Dowladda Soomaaliya waxay 3dii Sebtembar 2014 ku eedeyay shirkadda Norway ee shidaal baarista DNO iyo shirkado kale oo yar yar inay hurinayaan colaado ka dhaca Soomaaliya ka dib markii ay heshiis shirkaddu la gashay Somaliland.

Wasaradda Batroolka ee Soomaaliya ayaa xilligaasi ku eedeeysay DNO inay in shirkaddu ay abaabuleyso maleeshiyaad hubeysan oo ku sugan goobo ay horay ugu dagaallameen qabaa’ilku, ayna sii hurinayso colaado soo jireen ah oo sababay barakaca gudaha iyo dhibaateynta dadka aan waxba galabsan iyo dadka ugu nugul.

Soomaaliya waxay xilligaas sheegtay inay dacwooyin ka dhan ah shirkadahan u gudbiso Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay.

DNO ayaa xilli hore heshiis shidaal sahamin ah la gashay Somaliland oo ah dhul ka go’ay Soomaaliya.  Waxaa la rumeysan yahay in aagga shidaal sahaminta Norway lagula heshiiyay ay ku jiraan dhul ku yaalla gobollada Sool iyo Sanaag.

Shirkada DNO iyo dowladda Norway xilligaas kama aysan jawaabin eedeymahan.

Norway waxaa kaloo lagu eedeeyay in markii dacwadda badda ay u dhexeysay Soomaaliya iyo Kenya, inay Norway la safatay dhanka Kenya, waxayna u arkeysay in dacwadda badda ay saameyn ku yeelaneyso heshiis hore DNO ula gashay dowladda Kenya.

DNO iyo Dowladda Kenya ayaa 17 Disembar 2015 gaaray heshiis ku saabsan horumarinta iyo sahaminta shidaalka dhanka badda, iyadoo heshiiskaasi uu saameynayey dhul badeedka ay xilligaasi isku hayeen Soomaaliya iyo Kenya.

Xasan Sheekh oo daqiiqado kooban la kulmay Boqorka Norway.
Xasan Sheekh oo daqiiqado kooban la kulmay Boqorka Norway.

Waxaa iyana xusid mudan in Dowladda Kenya ay xilli markaasi ka horeeyay diidmo ka horkeentay heshiis kale oo shidaal baaris oo ay Soomaaliya iyo shirkadda DNO wada galeen. Heshiiskaasi ayaa dhigayay in DNO iyo shirkadda kale Spectrum Geo ay ka hawlgalaan baarista shidaalka dhul badeedka xuduuda Kenya iyo Soomaaliya.

Kenya ayaa xilligaasi u arkeysay heshiiska mid ku xadgudbaya dhulkeeda, iyadoo kiiska muranka labada dal uu weli yaallay maxkamadda ICJ.

6DII JUUN IYO LABA KACLEYN KALE

6dii bishan Juun 2024, waxaa Jaamacadda Nairobi ee dalka Kenya lagu qabtay kulan muxaadaro oo lagu hadlay xiriirka diblomaasiyasadeed ee Kenya iyo Norway.

Waxaana kulankasi khudbad ka jeediyay Wasiirka arrimaha dibadda Norway, Espen Barth Eide, isaga oo si guud uga hadlay xiriirka Kenya iyo Norway, waxa uu munaasabadda uga faa’ideystay in uu caddeeyo doorkii dalkiisa markii ay Kenya iyo Soomaaliya ku dagaalameen Maxkamadda Caalamiga ah ee Caddaaladda (ICJ) ee xuduud badeedka badweynta Hindiya.

Wasiirka oo malaha kasii hordhacayey heshiiskan cusub ee lagu saxiixay Oslo ayaa dalkiisa ka weeciyay eedda ah inay dhinac la safnaayeen. Wuxuu sheegay inay iyagu dhex ka ahaayeen arrimaha ay isku hayeen Kenya iyo Soomaaliya.

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News