La-taliyaha Amniga qaranka oo sheegay in Al-Shabaab Bilowday Vedio qorista luuqado badan.

|

MOGADISHU (KAAB TV) – Istaraatiijiyadda ka hortagga argagixisada ee dowladda Soomaaliya ayaa si weyn u wiiqday hanaankii ay Al-Shabaab uga qaadi jireen lacagaha baadda ah, sida uu sheegay la taliyaha amniga qaranka Xuseen Macallin. Isagoo ka hadlayay saameynta ay ku yeesheen tallaabooyinkii ammaanka ee ugu dambeeyay, Macallin wuxuu muujiyay horumarka ballaaran ee laga gaaray wiiqidda howlaha maaliyadeed ee kooxda argagixisada ah.

“Istaraatijiyadda ka hortagga argagixisanimada ee dowladdu waxa ay si dhab ah u wiiqday hannaankii baad ee argagixisada Al-Shabaab,” ayuu yiri Macallin. Guushan waa qayb ka mid ah dadaalka ballaaran ee lagu doonayo in lagu carqaladeeyo awoodda kooxda si ay u maalgeliso hawlaheeda oo ay u maamusho dadka maxalliga ah iyada oo loo marayo caga-jugleyn iyo jujuub.

Iyadoo ay taasi jirto, Al-Shabaab waxay sii waday dadaalkeeda dacaayadda. Talaadadii, kooxda xagjirka ah ayaa sii daayay filim dacaayad ah oo socday in ka badan hal saac oo muujinaya “Ciidan Gaar ah” oo ka qalin jabiyay waxa loogu yeero “Akadamiyadda Tababarka ee Sheikh Osama Bin Laden.” Muuqaalkan oo u muuqda mid looga dan leeyahay in la shaqaaleysiiyo ayaa loo turjumay 7 luqadood oo kala ah Soomaali, English, Carabi, Amxaari, Oromo, Swahili, iyo Faransiis.

Faafinta muuqaalkan dacaayadda ah ayaa hoosta ka xarriiqaysa isku dayga joogtada ah ee Al-Shabaab oo ay ku doonayso inay ku soo jiidato askar cusub oo ka soo kala jeeda afafka iyo qowmiyadaha kala duwan ee gobolka. Iyaga oo fariintooda u turjumaya luuqado badan, xagjiriintu waxa ay hiigsanayaan in ay balaariyaan rafcaankooda oo ay xoojiyaan joogitaankooda Geeska Afrika iyo meelo ka baxsan.

Si kastaba ha ahaatee, dowladda Soomaaliya, ayaa sheegtay inay ka go’an tahay howlgalkeeda ku aaddan burburinta awoodaha howlgallada ee Al-shabaab. Hadalka Lataliyaha Amniga Qaranka ayaa ka tarjumaya kalsoonida maamulku ku qabo dadaallada la dagaalanka argagixisada iyo natiijooyinka la taaban karo ee ilaa hadda la gaaray.

Dowladda ayaa sheegtay in Al-Shabaab ay sii wadaan la qabsiga xeeladahooda, in dowladda Soomaaliya ay si isku mid ah uga go’an tahay in ay horumariso tallaabooyinkeeda. Hawlgallada sirdoonka oo la xoojiyey, ka qaybgalka bulshada, iyo iskaashiga gobolka ayaa udub dhexaad u ah dadaalladan, ee looga golleeyahay xaqiijinta amniga iyo xasilloonida mustaqbalka fog.

Horumarku waxa uu yimid ka dib qorshaha kala guurka ee amniga kaas oo arki doona ATMIS in la dhimo ciidamadooda 4000 dhamaadka bisha June ee sanadkan iyada oo la dhimi doono wejigeeda.

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News