Itoobiyaanka kusugan magaalada Garoowe iyo deegannadeeda oo walaac xooggan lasoo darsay & raaf ka socodo Garoowe

|

Garoowe (KAAB TV) – Maamulka magaalada Garoowe ee caasimadda Puntland ayaa dhawaan amar ku bixiyay in magaalada isaga baxaan muwaadiniinta Itoobiyaanka ah, gaar ahaan kuwa  sida sharcidarada ah ku jooga magaaladaasi.

Duqa magaalada Garoowe ayaana ku amray in Itoobiyaanka ku sugan magaalada isaga baxaan, waxa uuna ku hanjabay cidii amarkiisa dhagaha ka fureesata in magaalada laga saari doono iyaga oo gacmaha ka xir xiran.

Sidoo kale, Itoobiyaanka ku sugan magaalada Garoowe ayaana walaac xooggan ka muujiyay amarkan magaalada looga saarayo, waxa ayna sheegeen Itoobiyaanka qaar ee magaalada jooga yihiin labpo nuuc kuwa waqti badan joogay magaalada iyo kuwa hadda yimid.

Qaar kamid ah dadka Itoobiyaanka ah ee ganacsiyada ku leh magaalada ayaana ka codsaday maamulka in ay kala saaraan dadka, waxa ayna sheegeen in muhiim tahay in la xushmeeyo kuwa ganacsiyada leh, lagana saaro magaalka kuwa tuugsada ee hadda yimid.

Dhanka kale, Itoobiyaanka magaalada Garoowe jooga ayaa isugu jir kuwa magaaladaasi sannado joogay oo ganacsiyo kala duwan ka sameestay, iyo kuwa cusub oo dhawaanahan gaaray, kuwaa oo u badan kuwa darawsada iyo kuwa shaqooyin hoosa qabta.

Ugudambeyn, deegaannada maamulka Puntland ayaana muddooyinkii dambe waxaa kusoo qul qulayay muwaadiniin Itoobiyaan ah oo u badan kuwa kasoo jeeda qowmiyada Oromada, waxaana qul qulka Itoobiyaanka walaac ka muujiyay dadka reer Puntland.

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News