HARGEYSA (KAAB TV) – Madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi Cabdi ayaa wareegto ku go’aamiyay in nidaamka garsoorka loo daayo go’aan ka gaadhidda arrimaha kufsiga, iyadoo la mamnuucay in odayaasha dhaqanka ay ku lug yeeshaan kiisaska kufsiga.
Wareegtada madaxweyne ayaa daba joogta go’aanka wax-ka-qabashada Fal-dambiyeedka Kufsiga oo ay golaha wasiirradu soo saareen fadhigii 129aad, ee qabsoomay 13/06/2024, kuna go’aamiyeen in nidaamka garsoorka loo daayo go’aan ka gaadhidda arrimaha kufsiga.
Wareegtada madaxweynaha
1) In fal-dambiyeedka kufsiga loo daayo Maxkamadaha dalka ee awoodda u leh, si eedaysanayaasha ku kaca fal-dambiyadaas loo mariyo ciqaabta sharci ee ay mutaysteen, sidoo kalena loo xaqiijiyo dhawridda xuquuqaha iyo xoriyaadka aas-aasiga ah ee muwaadiniinta.
2) Waxay faraysaa Taliyaha Ciidanka Booliska iyo Xeer-ilaaliyaha Guud ee Somaliland in ay xaqiijiyaan in eedaysanayaasha ku kaca fal-dambiyeedka kufsiga la horgeeyo maxkamadaha awoodda u leh, waxaana ka reeban in lagu xalliyo nidaam aan ahayn nidaamka garsoorka.
Go’aankan ayaa la rajeynayaa inuu wax ka beddelo faragelinta odayaal dhaqameedka ay ku sameyn jireen kiisaska kufsiga haweenka oo sababi jiray in mararka qaar la siidaayo eedeysanayaasha, halka dhibbanayaashu aysan helin caddaalad.

