Mudug (KAAB TV) –Dagaal xoogan ayaa saakay dib uga qarxay magaalada Galdodob ee gobolka Mudug oo u dhaxeeya laba maleeshiyo beeleed oo kasoo kala jeeda beelaha Sacad iyo Leelakase.
Wararka hordhaca ah ee soo baxaya ayaa sheegaya in dagaalka u dhaxeeya labadaan maleeshiyo beeleed inuu ka qarxay sadax oo hoostaga magaalada Galdodob ee gobolka Mudug.
Dagaalka ayaa lasoo warinayaa inuu yahay mid aad u xoogan oo labada dhinac ay isku adeegsanayaan hubka noocyadiisa kala duwan, hayeshee lama oga wali khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay dagaalka oo wali socda.
Dagaalkaan culus ee saakay dhexmaraya labada maleeshiyo beeleed ayaa kusoo beegmaya, iyadoo 5 casho kahor dhinacyadaan uu dhexmaray dagaal sababay dhimashada in ka badan 10 ruux iyo dhaawac dhowr iyo labaatan kale.
Xiisaddan oo weli taagan ayaa walaac ku beertay maamullada deegaanka iyo kuwa maamul goboleedyada, taasoo keentay in labada maamul ee Galmudug iyo Puntland ay shaaciyaan inay doonayaan inay ciidamo milateri geeyaan si ay u qaboojiyaan dagaal beeleedyada.
Si kastaba ha ahaatee, wararkii ugu dambeeyay, ma jiro war rasmi ah oo xaqiijinaya falalkan.
Xaalada gobolka Mudug ayaa ah mid kacsan, iyadoo dadka deegaanka iyo dadka wax indha indheeya ay si isku mid ah uga dhursugayaan wararka ku saabsan colaadda iyo faragelinta ciidamada dowladda.
Ilaa hadda ma cadda sababaha keenay khilaafka u dhexeeya beelaha Sacad iyo Leelakase, hase yeeshee khasaaraha ka dhashay dagaalkooda ayaa weli ka taagan gobolka oo dhan, kaas oo walaac iyo xasilooni darro baahsan ku abuuraya.

