Madaxweyne Xasan Sheekh oo maanta Taalada Daljirka daahsoon kaga qeyb galay xuska munaasbada 1-da Luulyo

|

Muqdisho (KAAB TV) – Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa xuska munaasabadda 1-da Luulyo awgeed maanta ubax xasuus ah dhigay taallada Daljirka Dahsoon ee Magaalada Muqdisho.

Sidoo kale, madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaana taallada Daljirka Dahsoon sallaan sharaf kaga qaatay cutubyo kala gedisan oo tirsan ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya, kuwaa oo diyaar ku ahaa taallada Daljirka .

Ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya ayaa sidoo kale taallada Daljirka Dahsoon iyo qeybo kale oo kamid ah magaalada kusoo bandhigay dhoolotus cajiib oo ay aad ugu riyaaqeen madaxdii iyo dadkii kale ee daawanayay.

Dhanka kale, munaasabadda 1-da Luulyo oo ah maalintii ay xuroobeen gobolada Koonfuur ee Soomaaliya , sidoo kale ay midoobeen gobolada waqooyi iyo koonfur ayaa si weyn loo xusaa sanand kasta marka la gaaro maanta oo kale.

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News