Masar (KAAB TV) – Madaxweynaha dalka Masar Abdel Fattah al-Sisi ayaa maanta oo Khamiis ah taleefoon ka helay Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud.
Labada Madaxweyne ayaa dib u eegis ku sameeyay sidii loo wanaajin lahaa xiriirka labada dal, waxaana ay soo dhaweeyeen dardargelinta iskaashiga labada dal. Waxa ay hoosta ka xariiqeen sida ay u jecel yihiin in la balaadhiyo rajada laga qabo iskaashigan si loogu daro qaybo kala duwan, si waafaqsan xidhiidhka walaaltinimo ee ka dhexeeya dadkooda.
Madaxweyne Sisi waxa uu ku celiyay sida ay Masar uga go’an tahay amniga, xasiloonida, iyo madaxbanaanida Soomaaliya ee dhulkeeda, waxa uuna xaqiijiyay in ay ka taageerayaan caqabadaha kala duwan ee dhanka amniga iyo horumarka.
Madaxweyne Sisi iyo Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sidoo kale ka wada hadlay xaaladda gobolka Geeska Afrika. Waxay ku nuuxnuuxsadeen sida ay uga go’an tahay xaqiijinta ammaanka iyo xasilloonida Badda Cas iyo Gacanka Cadmeed, taasoo si wanaagsan uga tarjumaysa Geeska Afrika iyo shucuubtiisa.
Labada Madaxweyne waxay xaqiijiyeen inay diideen tallaabo kasta oo hal dhinac ah oo wax u dhimi karta xasilloonida gobolka, iyagoo ku celceliyey muhiimadda ay leedahay in dhammaan dawlad-goboleedyada ay ka go’an tahay qaab-dhismeedka iskaashiga si loo gaaro xasillooni iyo horumar ay dadkooda helaan.

