Muqdisho (KAAB TV) – Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Xamsa Cabdi Barre ayaa ku baaqay in si deg deg ah loo joojiyo colaadda dad badan ay ku dhinteen ee ka dhacday degmada Luuq ee gobolka Gedo, isagoo sheegay in dowladda federaalka ay diyaar u tahay inay qaado tallaabooyin deg deg ah.
Ra’iisul wasaare Barre ayaa faray ciidamada qalabka sida inay ka hortagaan dagaalada iyo colaadaha sokeeye, isagoo carabka ku adkeeyay in dagaaladaasi ay fursad u siinayaan Al-Shabaab inay gacanta ku dhigto deegaanada ay kaga harsan tahay dalka.
“Wadahadalka iyo dib u heshiisiinta waa furaha nabadda iyo horumarka, waxaan u soo jeedinayaa dhammaan dhinacyada ku lugta leh colaadaha inay si degdeg ah u joojiyaan oo ay ka fogaadaan inay ku dhacaan dabinka ay Khawaarijtu u maleegeen inay shacabkeenna ku dhibaateeyaan” ayuu yiri Barre.
Waxa uu kula dar daarmay Wasaaradda Arrimaha Gudaha in ay dardar geliso qorshaha dib u heshiisiinta qaranka si wax looga qabto waxyaabaha keenaya xasilooni darada. Tobaneeyo qof ayaa dhimasho iyo dhaawac ku noqday colaada ka taagan degmada Luuq oo soo bilaabatay todobaadkii hore.
Sidoo kale Hogaamiyaha Dowlad Goboleedka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam Madoobe ayaa ku baaqay in si deg deg ah loo joojiyo dagaalka. Wuxuu uga digay askarta inay ka qeyb qaataan dagaal beeleedyada, wuxuuna ku goodiyay in tallaabo adag laga qaadi doono askarigii lagu helo inuu ku lug leeyahay dagaalka.

