Dhinacyada ku dagaallamaya Suudaan oo sii wada wadahadallo ay la yeelanayaan ergayga Qaramada Midoobay.

|

SUUDAAN (KAAB TV) -Wadahadallada u dhaxeeya ergeyga Qaramada Midoobay iyo wufuud ka kala socota labada dhinac ee ku dagaallamaya Suudaan ayaa ka socda magaalada Geneva toddobaadkan, kuwaas oo diiradda lagu saarayo gargaarka bini’aadantinimo iyo ilaalinta rayidka, Qaramada Midoobay ayaa sidaas sheegtay shalay.

Dagaal ayaa ka socday tan iyo bishii Abriil 2023-kii oo u dhexeeyay ciidamada caadiga ah ee Suudaan ee uu hoggaamiyo Abdel Fattah Al Burhaan iyo kuwa Rapid Support Forces (RSF), oo uu hoggaamiyo ku xigeenkiisii ​​hore Mohamed Hamdan Daglo.

Ergeyga gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay Antonio Guterres u qaabilsan Suudaan, Ramtane Lamamra, ayaa ku casuumay wufuud ka kala socota ciidamada iyo RSF wada-hadallo billaabay Khamiistii.

Ma jiro wakhti dhammaad ah oo loo muddeeyey wadahadallada.
Qaramada Midoobay ayaa sheegtay in labada dhinac mid ka mid ah uu ku guuldareystay inuu ka qeyb galo maalintii ugu horeysay ee wadahadalka usbuucii hore balse ma aysan cadeynin cidda taasi tahay.

Kulan toos ah oo ay yeelanayaan labada wafdi ayaan la qorsheynin.

In ka badan toban milyan oo Suudaani ah, ama 20 boqolkiiba dadweynaha, ayaa laga saaray guryahoodii tan iyo markii uu dagaalku billowday, hay’adda socdaalka caalamiga ah ee IOM ayaa sheegtay shalay, iyadoo dhibaatada barakaca ee ugu weyn adduunka ay weli sii xumaanayso.

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News