Xildhibaan ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya oo dowladda ku eedeeyay hanjabaad dil ah.

|

MOGADISHU (KAAB TV) -Xildhibaan C/Risaakh C/llaahi Macalin Ciid oo ka tirsan Baarlamaanka Federaalka ayaa ku eedeeyay madaxda dowladda inay ugu hanjabeen inay dilayaan kaddib markii uu ka hadlay weerarrada Al-shabaab ay ku qaadeen xabsiga dhexe iyo maqaayadda Top Café ee magaalada Muqdisho.

Xildhibaanka oo ka hadlayay fadhigii baarlamaanka ee Sabtidii ayaa ku nuux nuuxsaday in loogu hanjabay in madaxa laga toogto, isla markaana lagu been abuurto in uu ka tirsan yahay Al-Shabaab.

“Aniga ka mid ma ihi Al-Shabaab, laakiin dadkayga ayaan u daneynayaa, waayo aniga ayaa mas’uul ka ah, aniga ayaa ah wakiilkii loo doortay in uu arrimahaas ka hadlo hadalkoodii ugu dambeeyay wuxuu ahaa haddii aad mar kale arrintan ka hadasho waa lagu toogan doonaa. madaxa,” ayuu yiri Xildhibaanka.

Wuxuu intaas ku daray in dowladdu aysan wax tallaabo ah ka qaadin hanjabaadahaas.

Xildhibaan Ciid ma sheegin cidda u hanjabtay balse waxa uu wacad ku maray in uu warbixin ka diyaarin doono baarlamaanka shaqsigii u hanjabay.

Ugu yaraan 8 qof ayaa ku dhintay kadib markii ay israsaasayn dhexmartay ciidamada nabadsugida iyo maxaabiista ku xiran xabsiga magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya Iska horimaadka ayaa yimid kadib markii maxaabiis hubeysan ay damceen in ay baxsadaan taasi oo keentay in rasaasta la is weydaarsado ay sababtay dhimashada 5 maxbuus iyo saddex askari sida uu sheegay Korneel C/qani Khalaf oo ah Afhayeenka Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed.

Dhacdada xabsiga ka dhacday ayaa waxaa xigay gaari walxaha qarxa laga soo buuxiyay oo ka dhacay afaafka hore ee maqaayada Top Café ee magaalada Muqdishobaxaana ku dhintay ugu yaraan 9 qof tiro kalana waa ay ku dhaawacmeen iyadoo macaamiishu ay TV-yada ka daawanayeen finalka tartanka kubadda cagta ee Euro 2024.

Kooxda Al-Shabaab ee xiriirka la leh Al-Qaacidda ayaa sheegatay mas’uuliyadda weerarkii khasaaraha badan dhaliyay.

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News