Dowladda Itoobiya Oo Ka Hadashay Hub Lagu Qabtay Caabudwaaq.

|

Itoobiya (KAAB TV) -Dowladda Itoobiya ayaa ka hadashay hub dhawaan laga helay magaalada Caabudwaaq ee u dhow xadka Soomaaliya iyo Itoobiya. Hubkan oo la sheegay in maalmo ka hor loo soo daabulay Soomaaliya ayaa noqday kuwa si weyn looga hadal hayo warbaahinta.
Nebiyu Tedla oo ah afhayeenka wasaaradda arrimaha dibadda ee Itoobiya, ayaa la hadlay warbaahinta isagoo caddeeyay mowqifka Itoobiya ee arrinta Tedla ayaa ku nuux nuuxsaday in dowladda Itoobiya aysan wax lug ah ku laheyn arrimahan wuxuuna yiri “Arrintu kuma xirna Itoobiya waxayna ku jirtaa mas’uuliyadda dowladda federaalka Soomaaliya oo ku aadan maaraynta diiwaan gelinta, gacan ku haynta iyo qeybinta hubka heer qaran”.

Muranka ka dhashay hubkan ayaa billowday markii ay soo baxeen warar sheegaya in hubka laga raray saldhigyo ciidan oo ku yaalla magaalada Godey ee xarunta dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya, lana geeyay magaalada Caabudwaaq ee Soomaaliya Mar ay saxaafaddu wax ka weydiisay in hubkan laga iibiyay dowladda Soomaaliya ama ganacsato gaar ah ayuu Tedla ka gaabsaday inuu jawaab rasmi ah ka bixiyo taasoo sii hurisay hadal haynta.

Dhinaca Soomaaliya, dowladda federaalka iyo maamul goboleedka Galmudug ayaa ka hadlay arrintan. Hubka joogitaanka Caabudwaaq ayay u sababeynayaan dhaq-dhaqaaqyada ganacsatada hubka sharci darrada ah ku ganacsada. Sharaxaaddani si buuxda uma ay baabi’in welwelka iyo su’aalaha ku saabsan asalka iyo isticmaalka hubka.

Kormeerayaasha iyo falanqeeyayaasha ayaa ku baaqaya in daah-furnaan dheeraad ah laga muujiyo labada dawladood ee Itoobiya iyo Soomaaliya si loo caddeeyo xaaladda loogana hadlo saameynta ballaaran ee dhaqdhaqaaqa hubka sharci darrada ah ee gobolka.

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News