Muqdisho (KAAB TV) -T Guddiga Midowga Yurub ayaa soo jeediyay xannibaado cusub oo fiisaha ah ee Soomaaliya iyadoo ujeedadu tahay in la kordhiyo iskaashiga ku aaddan dib u soo celinta muwaadiniinta Soomaaliyeed ee soo galay iyo kuwa ku haray Midowga Yurub iyaga oo aan haysan dukumentiyo sax ah.
Hindisahan ayaa la sugayaa ansixinta golaha Midowga Yurub, waxaana la doonayaa in muwaadiniinta Soomaaliyeed la siiyo dal-ku-gal keli ah, lana kordhiyo kharashka fiisaha, iyo in la kordhiyo wakhtiga codsiga oo ah 15 ilaa 45 maalmood. Intaa waxaa dheer Midowga Yurub waxaa laga yaabaa inuu hakiyo xeerarka qaarkood ee u baahan soo gudbinta dukumeentiyada taageeraya codsiyada fiisaha.
“In kasta oo Midowga Yurub iyo Waddamada xubnaha ka ah ay qaadeen tallaabooyin ilaa hadda lagu wanaajinayo iskaashiga dib-u-celinta iyo tixgelinta xiriirka guud ee Midowga Yurub uu la leeyahay Soomaaliya haddana waxaa loo arkaa in wada-shaqeynta Soomaaliya iyo Midowga Yurub aysan ku filneyn dib u soo celinta loona baahan yahay in tallaabo la qaado. ayuu yiri guddiga Midowga Yurub.
Hindisahani waa qayb ka mid ah istaraatiijiyadda Midowga Yurub ee lagu hubinayo iskaashiga ku saabsan dib-u-celinta iyo maaraynta socdaalka aan joogtada ahayn ee xuduudihiisa. Tallaabooyin la mid ah ayaa laga fuliyay dalal kale oo ay ku jiraan Itoobiya iyo Gambia Bishii Abriil Midowga Yurub wuxuu joojiyay bixinta fiisaha Schengen ee dhowrka ah ee Itoobiyaanka iyo kordhinta khidmadaha fiisaha ee muwaadiniinta Gambia, inkastoo kordhinta khidmadda markii dambe la laalay Abriil 2024 Si kastaba ha ahaatee tallaabooyin kale oo ka dhan ah Gambia ayaa weli shaqeynaya.
Qoraalka rasmiga ah ee guddiga ayaa lagu xusay in soo jeedinta golaha Midowga Yurub la soo bandhigi doono dhawaan taasoo u ogolaanaysa dalalka xubnaha ka ah inay go’aan ka gaaraan tillaabooyinka xiga.

