MUQDISHO (KAA TV) – Ciidamada Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo kuwa Midowga Afrika ee AMISOM ayaa lagu soo waramayaa in ay fureen oo ay qarxiyeen gaari walxaha qarxa laga soo buuxiyay oo lagu aasay wadada xiriirisa deegaanada Laanta-Buura iyo Afgooye ee Gobolka Shabeelaha Hoose Qaraxa ayaa la sheegay in ay argagixisadu u dhigeen si ay ugu waxyeeleeyaan shacabka iyo ciidamada amaanka ee wadadaasi isticmaala.
Amaanka goobta ayaa aad loo adkeeyay waxaana ciidamada amaanka ay balan qaadeen in ay sugi doonaan amaanka inta ay maamulku ka soo gabagabeynayaan baaritaanada iyo in aysan jirin wax qalab ah oo dheeri ah oo goobta yaala . baaritaano ayaa socda.
Ciidamada dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa si joogto ah howlgalo miino baaris ah uga sameeya deegaannadii dhawaan laga saaray ‘AS’ si ay u xaqiijiyaan ammaanka dadka ku nool deegaanadaasi.
Ciidamada Dowladda Federaalka, kuwa Dowlad Goboleedyada iyo kuwa Midowga Afrika ee ATMIS ayaa dhowr jeer waxa ay sameeyeen howlgalo ay ku sheegeen in ay ku soo qaadeen Miinooyin la soo dhigay Wadooyinka.

