Maxadweynaha Jubbaland oo safar dhulka ah maanta ku tagey degmada Afmadow

|

Afmadow (KAAB TV) – Madaxweynaha maamulka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam ayaa maanta socdaal dhulka ah ku tagay Degmada Afmadow ee Gobolka Jubada Hoose.

Sidoo kale, bulshada qeybeheeda kala duwan ee Afmadow ayaa Madaxweynaha ku soo dhaweeyay bartamaha Magaalada isagoo mid mid u gacan qaaday dadweynahii soo dhaweeyay.

Dhanka kale, Axmed Madoobe ayaa u tagay degmada Afmadow dardar galinta howlgalada ay wadaan Ciidamada Jubbaland iyo Ciidamada Xoogga dalka kuwaas oo maalmihii lasoo dhaafay howlgalo culus kawaday deegaannadaas.

Ugudambeyn, Ciidamada maamulka Jubbaland iyo Ciidamada Xoogga dalka ayaa dhawaan isku furay wadada isku xirta Magaalooyinka Kismaayo iyo Afmadow oo qeybo ka mid ah ay joogeen kooxda Al shabaab.

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News