Muqdisho (Kaab TV) – Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga Xukuumadda Soomaaliya, Cabduqaadir Maxamed Nuur (Jaamac) ayaa maanta magaalada Muqdisho kulan gaar ah kula yeeshay sii hayaha safaaradda Boqortooyada Ingiriiska Ed Barnett.
Labada mas’uul ayaa ka wada-hadlay arrimo xasaasi ah oo la xiriira xaaladda Soomaaliya, gaar ahaan dagaalka ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab.
wasiir Jaamac ayaa inta uu kulanka socday dalab culus u gudbiyay Ed Barnett, kaas oo ku aadan cunaqabateynta hubka ee weli saaran Soomaaliya, xilli ay la dagaalameyso Al-Shabaab.
Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya ayaa ka codsaday UK in dowladda federaalka ay ka taageerto sidii looga qaadi lahaa cunaqabateynta hubka ee muddada fog saaran, arrinkaas oo laf-dhabar u ah dadaalka adag lagula jiro kooxda Al-Shabaab.
Sidoo kale wasiirka ayaa uga mahadceliyey Boqortooyada Ingiriiska kaalinta ay ka qaadatay dhisidda ciidan hanta guud ahaan amniga dalka, si ugala wareegaan ciidamada ATMIS.
Dhankisia sii hayaha safaaradda Ingiriiska ee Soomaaliya Ed Barnett ayaa bogaadiyey howl-gallada ka socda guud ahaan dalka Soomaaliya ee ka dhanka ah Al-Shabaab, wuxuuna shaaca ka qaaday in dowladdiisa ay garab istaageyso dowladda federaalka.
Ingiriisa ayaa kamid ah dowladaha reer Yurub ee taageera Soomaaliya, wuxuuna ka caawiyaa ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed, isaga oo siiya tababaro iyo maaliyaad gaar ah.
Dalabka ay dowladda federaalka u gudbisay UK ayaa kusoo aadayo, ayada oo dhowaan Golaha Ammaanka ay markale dib cusbooneysiiyey cunaqabateynta hubka ee saaran Soomaaliya, taas oo lasoo rogay bishii Janaayo ee sanadkii 1992-dii xiligaas oo ay dalka ka qarxeen dagaallo sokeeye.
Golaha ammaanka ayaa muddo sanad ah ku daray muddada cunaqabateynta hubka ee Soomaaliya, gaar ahaan xayiraadda ka saaran soo iibasashada hubka cul-culus.