Somaliland oo si kulul ugu jawaabtay Masar

|

HARGEYSA (KAAB TV) – Xukuumadda Somaliland ayaa si adag u cambaareysay hadalladii dhawaan ka soo yeeray Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Masar, Badr Abdelatty, oo uu ku dhaliilay Heshiiska Isfahamka (MoU) ee u dhexeeya Somaliland iyo Itoobiya.

Hadalladaasi ayaa ka dhacay shir jaraa’id oo uu wasiirka Masar la qabtay dhiggiisa Turkiga, Hakan Fidan, halkaas oo Abdelatty uu ku adkeystay mowqifka Masar ee ku aaddan “xurmada midnimada iyo wadajirka Soomaaliya” isaga oo canbaareeyey heshiiska Itoobiya iyo Somaliland.

“Waan ku celinaynaa diidmadeenna buuxda ee MoU-ga,” ayuu yiri Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Masar, isagoo muujinaya sida Qahira uga soo horjeeddo heshiiskaasi.

Iyadoo jawaab ka bixinaysa, xukuumadda Somaliland ayaa hadallada Abdelatty ku tilmaantay kuwo “khaldan oo marin habaabin ah,” iyadoo ku eedeysay inuu iska indho tiray xuquuqda madax-bannaanida dadka reer Somaliland.

Xukuumadda Somaliland ayaa dib u xaqiijisay sida ay uga go’an tahay fulinta heshiiska ay la gashay Itoobiya, iyadoo carrabka ku adkeysay muhiimadda uu heshiiskaasi u leeyahay xasilloonida gobolka iyo iskaashiga dhaqaale.

“Heshiiskan wuxuu ka tarjumayaa danaha wadaagga ah iyo ixtiraamka labada dal,” ayaa lagu yiri bayaanka Somaliland. “Waxaan u aragnaa wada-shaqeyntan mid udub dhexaad u ah xasilloonida gobolka iyo iskaashiga dhaqaale.”

Bayaanka ayaa sidoo kale iftiimiyay in Somaliland ay tahay dal madax-bannaan oo ka duwan Soomaaliya, isagoo sheegay, “Waa lama huraan in la caddeeyo in Somaliland aysan weligeed ka mid ahaanin maamulka Muqdisho. Waxaan nahay qaran madax-bannaan oo leh taariikh qani ah, dhaqan, iyo hay’ado dimoqraadi ah.”

Somaliland waxay sidoo kale ugu baaqday Masar inay ixtiraamto madax-bannaanida dalkeeda oo ay diiradda saarto arrimaha ka taagan gobolka ay ku taallo.

“Waxaan ugu baaqaynaa dowladda Masar inay ixtiraamto madax-bannaanida iyo midnimada dhuleed ee Jamhuuriyadda Somaliland,” ayuu bayaanku ku booriyay. “Waxaan ugu baaqaynaa dowladda Masar inay xooggeeda iyo dadaalka diblomaasiyadeed ee ay waddo diiradda saarto dhibaatooyinka ka jira xuduudaheeda, sida Liibiya, Suudaan, Falastiin, iyo Lubnaan.”

Somaliland ayaa intaa raacisay in dadkeenna ay ka go’an tahay inay sii wadaan dadaalkooda ku aaddan sidii ay u heli lahaayeen aqoonsi buuxa oo caalami ah.

“Sheegashooyin aan sal lahayn ama faragelin lagu sameeyo arrimaheena gudaha nama joojin doonaan,” ayaa lagu yiri war saxaafadeedka Wasaaradda Arrimaha Dibadda Somaliland.

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News