QM: Dhinacyada Soomaaliya waa inay badbaadiyaan shaqaalaha gargaarka iyo rayidka

|

MUQDISHO (KAAB TV) – Munaasabadda Maalinta Caalamiga ah ee Samafalka awgeed, ayaa bulshada samafalka oo uu hogaaminayo Ku-xigeenka Ergayga Gaarka ah ee Xogahaya Guud ahna Xiriiriyaha Arrimaha Gargaarka ee Soomaaliya Mr. George Conway, waxay ugu baaqeen dhinacyada Soomaalida oo dhan iney ilaaliyaan dadka rayidka ah iyo shaqaalaha gargaarka ee ku sugan goobaha colaadaha.

“Halku dhigga Maalinta Caalamiga ah ee Samafalka ee sannadkan, #UDdhaqaaqInsaaniyadda, wuxuu ugu yeerayaa dunida iney shaqo wanaagsan ka qabtaan difaacidda rayidka iyo samafalayaasha, gaar ahaan goobaha colaadaha,” ayuu yiri Mr. Conway.

“Waa iney nagu bixisaa inaan dib u eegno oo karaameyno shaqaalaha gargaarka, kuwaas oo adduunka dhan, lagu bartilmaameedsado ama la xayiro shaqooyinkooda ayagoo ku guda jira iney kaalmeeyaan dadka tabaaleysan.

Soomaaliya waxay ka mid tahay meelaha ugu daran adduunka ee ay ka jiraan mashaakilka bini’aadannimo, maalaayiin dad ah ayaa beylah u ah dhibaatooyin ay sababeen isbeddelka cimilada, colaado daba dheeraaday, cudurrada faafa iyo dhaqaalo xumo. Xaaladahan waxaa ka dhashay cunno yari baaxad leh, biyo la’aan, barakac iyo cudurro si degdeg leysugu gudbiyo.

Hay’adaha samafalka waxaa ka go’an iney caawiyaan dadka Soomaaliyeed ee gurmadka u baahan, laakiin waxaa jira caqabado maamuleed iyo kuwo howleedba. Waxaa walaac nugu haya amniga shaqaalaha gargaarka sababtoo ah si joogto ah ayay dhibbane ugu noqdaan rabshado toos iyo kuwa dadban intaba.

Sannadkan, 124 dhacdo oo saameyn ku yeeshay socodka shaqada gargaarka ayaa laga diiwaan geliyay Soomaaliya, 12 shaqaale ayaa dhaawac soo gaaray ayagoo ku guda jira howlo samafal halka 13 dhacdo ay isugu jirtay waxyeello jirka ah, handadaad iyo cabsi-gelin. Intaas waxaa dheer kiisas la xiriira faragelin lagu sameeyay qeybinta gargaarka.

Sannadkii 2023, 280 shaqaale gargaar ayaa lagu dilay 33 dal oo ay ku jiraan 4 qof oo lugu dilay Soomaaliya, tani waxay ka dhigeysaa sannadka 2023 sannadkii ay ugu dhimashada badnaayeen shaqaalaha gargaarku.

“Waajib sharci ah isla markaasna calami ah ayaa saaran maamullada dowliga ah iyo kooxaha aan dowliga ahayn ee hubaysan xilliyada colaadaha, oo ay ku jirto iney ilaaliyaan rayidka, caymiyaan dugsiyada iyo isbitaallada ayna hubiyaan bedqabka marinka ay isticmaalaan shaqaalaha gargaarku,” ayuu yiri Mr. Conway.

“Mar kasta oo la jebiyo xeerarkan, mashaakilka dadku wuu siyaadaa shacabkuna waxay galaan xaalado adag. Mar kasta oo soohdimahan la gudbo baahiyaha bini’aadannimo way bataan.”

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News