Customize Consent Preferences

We use cookies to help you navigate efficiently and perform certain functions. You will find detailed information about all cookies under each consent category below.

The cookies that are categorized as "Necessary" are stored on your browser as they are essential for enabling the basic functionalities of the site. ... 

Always Active

Necessary cookies are required to enable the basic features of this site, such as providing secure log-in or adjusting your consent preferences. These cookies do not store any personally identifiable data.

No cookies to display.

Functional cookies help perform certain functionalities like sharing the content of the website on social media platforms, collecting feedback, and other third-party features.

No cookies to display.

Analytical cookies are used to understand how visitors interact with the website. These cookies help provide information on metrics such as the number of visitors, bounce rate, traffic source, etc.

No cookies to display.

Performance cookies are used to understand and analyze the key performance indexes of the website which helps in delivering a better user experience for the visitors.

No cookies to display.

Advertisement cookies are used to provide visitors with customized advertisements based on the pages you visited previously and to analyze the effectiveness of the ad campaigns.

No cookies to display.

SO | EN

Faahfaahin ku saabsan qarax maanta ka dhacay Muqdisho

|

Muqdisho (Kaab TV) – Faahfaahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya khasaaraha ka dhashay qarax barqanimadii maanta ka dhacay qaybo kamid ah magaalada caasimada ah ee Muqdisho, gaar ahaan degmada Xamarweyne ee gobolka Banaadir.

Qaraxa oo jugtiisa laga maqlay xaafado ka tirsan Muqdisho ayaa si gaar ah uga dhacay agagaarka isgoyska Via Roma ee degmada Xamarweyne, sida ay sheegeen goobjoogayaal.

Wararka ayaa sheegaya in qaraxa uu ahaa mid lagu xiray gaari nooca raaxada ah, wuxuuna ku qarxay halkaasi, sida ay Caasimada Online u sheegeen ilo wareedyo lagu kalsoonyahay.

Gaariga ayaa qarxay kaligiis, waxaana ka maqnaa darawalka oo goob baakin ah uga tegay, balse uu qarxay intii uu ka maqnaa.

Sidoo kale wararka ayaa intaasi ku daraya in qaraxaan uu sababay dhaawac haweeneyd mareysay waddada, taas oo la socotay Bajaaj, sida ay ku warameen goobjoogayaashu.

Ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka ayaa sidoo kale goobta gaaray, kuwaas oo sameeyay baaritaano kooban, balse ma jiro wax faahfaahin ah oo ay ka bixiyeen qaraxaasi.

Xaaladda ayaa haatan ah mid deggan, waxaana si caadi ah kusoo laabtay dhaq-dhaqaaqa dadka iyo gaadiidka waddadu uu qaraxu ka dhacay oo ay sidoo kale ku yaalaan ganacsiyo.

Weerarkan qaraxa ah ayaa qayb ka noqonaya falalka ammaan darri ee ka dhaca magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya, walow ay howlgallo ka wadaan ciidanka ammanka.

Si kastaba, kooxda Al-Shabaab ayaa haatan culeys xoogan soo saartay, kadib markii ay jab xoogan kala kulantay dagaallada culus ee kacda koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya.

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News