Japan (KAAB TV) –Japan iyo Soomaaliya ayaa dib u xaqiijiyay sida ay uga go’an tahay xoojinta xiriirka labada dal iyo ka hortagga caqabadaha la wadaago inta lagu guda jiro shir heerkiisu sareeyo oo wasiirradooda arrimaha dibadda ku yeesheen magaalada Yokohama ee 24-kii Agoosto shir heer sare ah oo ay wasiirradooda arrimaha dibadda ku yeesheen magaalada Yokohama ee caalamiga ah ee horumarinta Afrika (TICAD).
Wasiirka arrimaha dibadda ee Japan Yoko Kamikawa ayaa la kulmay wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya Axmed Macallin Fiqi oo ay ka wadahadleen muddo 20 daqiiqo ah. Wasiir Kamikawa ayaa ugu horeyn sheegtay in ay aad uga xuntahay falkii Argagixiso ee dhawaan ka dhacay Magaalada Muqdisho, waxa ayna si kulul u cambaareysay nooc kasta oo Argagixiso. Waxay ku celisay sida ay Japan uga go’an tahay inay si dhow ula shaqeyso Soomaaliya, taasoo billaabaysa xilliga xubinta aan joogtada ahayn ee Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay (UNSC) sannadka soo socda.
“Wasiir Kamikawa waxay sheegtay inay jeclaan lahayd inay si dhow ula shaqeyso Soomaaliya, taasoo noqon doonta xubin aan joogto ahayn oo ka tirsan golaha ammaanka (UNSC) laga bilaabo sannadka soo socda laba sano, iyadoo la wadaagaysa aqoonta Japan,” ayaa lagu yiri war-saxaafadeedka rasmiga ah.
Wasiir Fiqi ayaa dhankiisa uga mahadceliyey Japan taageerada ay mar walba la garab taagan tahay, wuxuuna tilmaamay inay muhiim tahay in la sii xoojiyo xiriirka wanaagsan ee labada dal. Waxa uu carabka ku adkeeyay in Soomaaliya ay ka rajeyneyso wadashaqeyn joogta ah oo ay la yeelato Japan si loo xaqiijiyo nabadda iyo xasilloonida Soomaaliya iyo guud ahaan gobolka Geeska Afrika.
Shirka Wasiirada ee TICAD ayaa bilowday 24-kii Agoosto, waxaana isugu yimid wasiiro ka kala socday 40 dowladood oo Afrikaan ah. Wadahadaladu waxay udub dhexaad u ahaayeen arrimaha muhiimka ah sida caafimaadka, isbedelka cimilada, iyo horumarinta deegaanka ganacsiga. Shirka ayaa la soo gabagabeyn doonaa iyadoo laga soo saari doono war-murtiyeed ay ku mideysan yihiin maalinta Axadda, iyadoo lagu faah faahinayo ballanqaadyada wadajirka ah ee Japan iyo waddamada Afrika ee ka shaqeynaya sidii ay mustaqbal ifaya u yeelan lahaayeen qaaradda.
“Annaga, Japan iyo dalalka Afrika, waxaan rabnaa inaan dhisno xalal cusub oo lala wadaago caalamka,” Kamikawa ayaa sidaas tiri intii lagu jiray xafladda furitaanka, taasoo ka tarjumaysa dareenka iskaashiga ee shirka.

