13 Tahriibayaal Itoobiyaan ah oo ku dhintay 14 kalena waa la la’yahay ka dib markii ay doon ku degtay xeebaha Yemen.

|

SANCA (KAAB TV) – 13 muhaajiriin Itoobiyaan ah ayaa dhintay, 14 kalena waa la la’yahay ka dib markii ay doon ku degtay gobolka Ta’iz ee Yemen 20kii Agoosto, 2024, Hay’adda Socdaalka Adduunka (IOM) ayaa sheegtay.

Markabkan oo ka soo ambabaxay dalka Jabuuti ayaa waxaa la socday 25 tahriibayaal Ethiopian ah iyo labo shaqaale oo Yemeni ah, waxaana la sheegay in doonida ay kula qalibantay meel ku dhow degmada Dubab ee degmada Bani Al-Xakam, sida ay sheegtay hay’adda IOM.

Dadka dhintay ayaa isugu jiray 11 rag ah iyo labo dumar ah, kuwaasoo meydadkooda laga soo saaray xeebta Bab-al-Mandab oo u dhow Al-Shuura ee degmada Dubab. Hay’adda IOM ayaa sheegtay in ilaa hadda aan la ogeyn sababta ka dambeysay shilkan, waxaana socda dadaalo lagu baadigoobayo rakaabka la la’yahay oo ay ku jiraan Kabtanka Yemen u dhashay iyo kaaliyihiisa.

“Masiibadani waxay muujinaysaa khatarta joogtada ah ee soogalootiga ay ku wajahayaan waddadan,” ayuu yiri Matt Huber, Ku-simaha Madaxa IOM ee Yemen. Huber waxa uu carabka ku adkeeyay muhiimada ay leedahay dadaalada wadajirka ah ee looga hortagayo shilalka noocaan oo kale ah iyo ilaalinta muhaajiriinta nugul.

Dhacdadan ayaa ah tii ugu dambaysay ee musiibo isdaba joog ah oo ay la kulmaan tahriibayaal Itoobiyaan ah. Bishii Luulyo, markab ku burburay xeebaha Yemen ayaa sababay dhimashada 12 muhaajiriin Itoobiyaan ah, iyadoo afar kalena la la’yahay. Bishii June, doon kale ayaa ku degtay xeebaha Yemen, taasoo keentay dhimashada 38 qof iyo ku dhawaad ​​100 qof oo aan meelna lagu hayn.

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News